Daawo: Komiishanka Doorashooyinka Oo Shaaciyey In Xarumaha Degmooyinka Ay Soo Gaadheen Sanaaduuqdii Codbixintu | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo: Komiishanka Doorashooyinka Oo Shaaciyey In Xarumaha Degmooyinka Ay Soo Gaadheen Sanaaduuqdii Codbixintu
November 14, 2017 - Written by Reporter:

Hargeysa(W,N)- Guddiga Komishanka Qaranka Somaliland oo xarunta guddiga komishanka kula hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay halka ay marayaan hawlihii doorashada madaxtooyada Somaliladn oo maliinkii shalay ahayd ka dhacday dalka Somaliland.

Gudoomiyaha guddiga komishanka Cabdiqaadir Imaan Warsame iyo afhayeenka guddiga komishanka Siciid Cali Muuse oo si wada jira u hadlay ayaa waxay ka dhawaajiyen in dhamaan sanaaduuqdii doorashada madaxtooyada Somaliland  ay si nabad galiyo ah ugu soo laabteen degmooyinkii ay markii hore ka baxeen,waxaana ay ka dhawaajiyeen in ay hadda bilaabeen tirinta codadkii doorashada ee sanaaduuqda ku jiray.

Dhinaca kale gudoomyaha iyo afhayeenka guddiga komishanku waxay ka hadleen warar dhex wareegaya baraha bulshada oo ku saabsan natiijada codadka degmooyinka iyo waliba in ay ciidamada Bolisku ay xidheeen saraakiil ka tirsan xisbiyada Qaranka Somaliland waxaana ay fariin u direen shacabka Somaliland,iyaga oo ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn,waxaana ay shacabka ugu baaqeen inay guddiga komishanka ka sugaan natiijada.

ugu danbayn guddiga Komishank Qaranka Somaliland waxay shaaca ka qaadeen wakhtiga ay sid rasmiga ah ugu dhawaaqayaan natiijada doorashada madaxtooyada Somaliland iyo murrashax madaxwayne iyo ku xigeenka ku guulaystay hogaaminta talada dalka Somaliland,iyaga oo sheegay in saddexda cisho ee soo socda ay ku dhawaaqaan natiijada doorashada madaxtooyada.

Halkan Hoose Ka Dawo Muuqaalka

 

COMMENTS
LINKS