|
|||||
WAJAALE NEWS
Ciidamada Liibiya Oo Lagu Eedeynayo In Ay Da danbeeyeen Dhimashada dad Muhaajiriin Ah
November 7, 2017 - Written by Reporter:Hargaysa,(W,N) – Ciidamada Ilaalada Xeebaha Dalka Liibiya ayaa lagu eedeeyay in ay rabshado kula keceen dadka muhaajiriin ah, kuwaasi oo shan ka mid ah ay dhinteen xilli hawlgal samatabixin ah laga waday badda Mediterranean.
Hay’adda Sea Watch ee dalka Jarmalka ayaa sheegtay in mid ka mid ah Maraakiibtooda ay u suurtagashay in uu badbaadiyo ku dhawaad 60 qof oo saarnaa doon sii quuseysay. Waxaa ay intaa raacisay in ciidamada ilaalada xeebaha dalkaasi Liibiya ee halkaasi joogay ay garaaceen dadkii saarnaa doontaasi, arrintaa oo ay ka dhalatay argagax iyo Muhaajiriinta qaar ay badda ku daataan. Hay’adda ayaa sheegtay in muhaajiriintaasi aysan dhiman lahayn, haddii ciidamada ay xaaladda dejin lahaayeen oo aysan rabshaddaasi ku kici lahayn.
Related posts:DAAWO ;Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Beeraha Dhoolayare Oo Eedaymihii Ugu Cuslaa Ujeediyay Xukumadda M... Xisbiga Wadani Oo Xukuumada Ku Eedeeyay In Ay Ku Fashilantay Sugida Abniga Gobolka Sool, Wasiir Kaah... Dawladda Ingiriiska Oo Sheegtay Inaanay Aqoonsanayn In Dalkeeda Lagu Galo Baasaboorka Soomaaliya ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|