Ciidamada Booliska Somaliland Oo Hargeysa Ku Qab-qabtay Ragg Looga Shakiyay Falal Argagaxisinimo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidamada Booliska Somaliland Oo Hargeysa Ku Qab-qabtay Ragg Looga Shakiyay Falal Argagaxisinimo
November 9, 2017 - Written by Reporter:

Hargeysa(W,N)- Ciidamada Booliska Somaliland ayaa gudaha magaalada Hargeysa ku qab-qabtay xabsigana u taxaabay ragg tiro badan oo looga shakiyay inay wadeen falal argagaxisonimo oo ka dhan ah amaanka Qaranka Somaliland wakhtigan lagu guda jiro ololaha doorashada madaxtooyada Somaliland.

 

Ciidan-boolis

Ma jiraan warar rasmi ah oo kasoo baxaya laamaha amaanka balse xogaha nasoo gaadhaya ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Boolisku ay habeenimadii Isniinta ee todobaadkan ay xaafada Kilidhka ee magaalada Hargeysa kusoo qab-qabteen 7 qof oo looga shakiyay inay maleegayeen falal amniga ku lidi ah,Sidoo kalena xogaha ayaa waxay intaa ku darayaan in laba qof oo kale oo kooxdan xidhiidh la leh lagu qabtay suuqa magaalada Hargeysa iyaga iyo hub ay siteen waa sida xoguhu tibaaxayaan.

Xogaha ayaa waxay intaa ku darayaan in ciidamada Boolisku ay gacanta sidaasi ugu dhigeen Sagaal qof oo la sheegay in laba Todobaad ay dalka ku sugnaayeen iyo waliba hal qof oo kale oo la sheegay inuu guriga ka kireeyey,kuwaas oo ciidamadu ku daba jireen.

 

Ma jiraan faah-faahin dheeraad ah oo kasoo baxaya warkan,balse ciidamada Amaanka Somaliland ayaa heegan culus ugu jira hadh iyo habeen sidii ay u adkayn lahaayeen amaanka guud ee Somaliland iyo waliba sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho amaan ah.

 

 

COMMENTS
LINKS