Bandhiga Diyaaradaha Ee Dubai Air Show Oo Lagu Kala Iibsaday Diyaarado Qiimahoodu Ku Kacayo 114 Bilyan Oo Dollar | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Bandhiga Diyaaradaha Ee Dubai Air Show Oo Lagu Kala Iibsaday Diyaarado Qiimahoodu Ku Kacayo 114 Bilyan Oo Dollar
November 18, 2017 - Written by Reporter:

Dubia,(W,N) –Waxaa todobaadkan magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka lagu soo gaba-gabeeyay bandhig-da Diyaaradaha ee (Dubai Airshow) ,waxaana bandhig-gan ka so qayb-galay inta badan shirkadaha sameeya duyuuradaha oo ay ku jiraan Boeng iyo bombardier oo laga kala leeyahay dalalka Maraykanka iyo Canada.

 

20171118636465811870068286bbndhig

Bandhig-gan waxaa lagu kala iibsaday diyaarado qiimahoodu uu  ku kacayo 114 bilyan oo dollar ,iyadoo sidoo kale ay goob joog ahaayeen xubno matalayay dowladaha caalamka iyo shirkadaha ganacsi ee gaarka loo leeyahay.

Shirkada duyuuradaha ee Emarates ayaa 40 diyaradood oo noocoodu yahay Dream liner 787 ama Serial 10 ka iibsatay shirkad-da Airbus oo ay wada  leeyihin dowladaha Jarmalka iyo Faransiiska oo ku wada jira Midowga Yurub.

Shirkada Air-bus ayaa sidoo kale lacagtii ugu badnayd ka heshay shirkad kale oo dagan Arizona  Marykanka ,waxaana shirkadaasi ay goobta ka iibsatay 430 diyaaradood oo ah nooca loo yaqaan Airbus ALFA 320D1 oo loo adeegasado xamuulka.

Dowladaha Maraykanka iyo Ruushka ayaa sidoo kale goobta ku soo bandhigay diyaaradaha dagaalka ,waxaana goobta ka iibsaday dowladaha Hodanka ah ee ku yaala Khaliijka oo ay ku jiraan Sacuudiga iyo Kuwait.

Dalalka ku yaala Afrika ee carwada Diyaaradaha wax ka iibsaday waxaa kamid ahaa Masar iyo Itoobiya ,waxaana shirkadda duulimaad-yada ee Ethiopia Airlines ay goobta ka Iibsatay 4 diyaaradood oo nooca xamuulka qaada ah.

 

 

 

20171118636465812197787249b1 20171118636465812734389673bb2

Masar ayaa iyana goobta ka iibsatay 24 diyaaradood oo nooca C series loo yaqaan-na ah , waxaana diyaaraddan oo si weyn hadda looga adeegsado caalamka farsamaysa  shirkad-da Bombardier ee laga leeyahay dalka Canada.

Ugu Danbayntiina dowlad-da Turkiga oo saldhig ciidan ku leh Somalia ayaa goobta ka iibsatay 53 diyaaradood oo ah nooca loo yaqaan Super Mashak. Diyaaradahan oo samayso Pakistan ayaa loogu tala-galay in lagu tababaro ciidamada cirka ee dowladaha so koraya.

 

 

COMMENTS
LINKS