13 November Wixii ka Dambeeyay Go’aanka Ma Lihid, ee ha Colaysan Walaalahaaga Alle Ku biday. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
13 November Wixii ka Dambeeyay Go’aanka Ma Lihid, ee ha Colaysan Walaalahaaga Alle Ku biday.
November 6, 2017 - Written by Reporter:

Wakhtigaas Dagaalkii lagu soo qaaday Somalia wuu kala duwanaa dhulka Soomaalida tusaale ahaan, Jaamacada Carabta oo uu horkacayo Sucuudigu

;;;;;;;;;;;;;;;
Tan iyo markii ay burburtay dawladii Xooga Badnayd ee Somalia 1991 dhacday, waxa bilaabmay loolankii kala jiidashada siyaasiyiinta Somalia iyo madax dhaqameedka Soomaalida; si majaraha loogu qabto hanaanka dhaqan, dhaqaale iyo siyaasadeed ee soomaalida.

Hadaba loolankaas ayaa waxa aad ugu hirdamay dhamaan dawladihii Soomalida saamaynta ku lahayd , kuwaas oo saamaynta ay soomaaliya ku lahayd ay u kala qaybsanayd kuwo ay ka dhaxay cadaawad sida Ethiopia iyo Kenya, kuwo iskaashi diineed ka dhaxeeyay sida Jaamacada Carabta, Kuwo dano siyaasadeed oo qoto dheer ka dhaxeeyso sida Masar iyo Sudan, iyo dawladaha hada gacanta aduunka ku haya ee reer galbeedka.

Wakhtigaas Dagaalkii lagu soo qaaday Somalia wuu kala duwanaa dhulka Soomaalida tusaale ahaan, Jaamacada Carabta oo uu horkacayo Sucuudigu waxay ku mashquulsanayd wagaas daaweynta Viruskii jihaadiyiinta ee uu abuuray sucuudigu isagoo kaga qayb galayay dagaalkii Soofiyeeti ee Afghanistan, isagoo abuurkii viruskaas uu ilaa imika saameyn ku leeyahay caalamka. Tusaale ahaan soo saarista salafiyiinta wahaabiyada qunyar socodka ah sucuudigu wuxuu sanadkii ku bixin jiray miisaaniyad dhan 1.9 billion dollar, miisaaniyadaas oo uu ku bixin jiray soo saarida aqoonyahano caalamka islaamka oo dhan ka fatwoota isla markaasna faafisa manhajka. Bishii sucuudigu wuxuu soo saari jiray 100 million oo buug iyo fatwooyin ah oo ku qoran luuqado kala duwan oo lagaga hadlo caalamka islaamka iyadoo somaliyana qeyb ka ahayd, tusaale ahaan faafintii wahaabiyada soomaalidu aadbay uga faaidaysatay waayo waxaynu ka helnay aqoon xeel dheer oo diinta islaamka ah iyo akhlaaqiyaad bulshadu aad ugu diirsatay, waxaynu kalaynu ka helnay wax soo saar qiimo badan oo dhinaca aqoonyahanka diinta ku xeel dheer ah. Aqoonyahanadaas oo deegaanada soomaalida ku soo kordhiyay fahan dheeraada oo xaga diinta ah, iyo iyagoo ka qayb qaatay nabadgalyada, tirtirka khuraafooyinka diinta ee lagu dhaqmi jiray. Iyadoo dalkeena Somaliland ay aad ugu xoogaysanayeen soona gaadhayeen dufcado kala duwan tan iyo waagaas iyadoo shucuurta soomaalida ee sucuudigu kor u kacay ilaa soomaalidu ka aamintay sucuudiga in isaga iyo muwaadiniintiisu barakaysan yihiin.

Halka wadamadii Somalia ay kala dhaxaysay danaha siyaasadeed ee Masar iyo Sudan iyagu waxay ku mashquulsanaayeen inay jiilka cusub ee soo kacaya ay ku yeeshaan aqoonyahano hadhow u dooda danahooda, sida inay macalimiin soo diraan iyo inay deeqo waxbarasho oo badan siiyaan ardayda Soomaaliyeed.

Hadaba wadamadii cadaawadu ka dhaxaysay Soomaalida ee Ethiopia iyo Kenya waxay ku dadaaleen inay dabka ku sii shidaan dhibaatadii ka dhacaysay deegaanada Soomaalida, si loo helo Soomaaliya oo taag daran; iyagoo  dhaqaalaynayay Salaadiintii hurinaysay colaada iyo inay hubeeyaan qabaa’ilada iska soo horjeeday iyo inay dhulkii soomaalida ku sii daayaan sirdoon badan oo faafiya dacaayada isku dirka iyo qorshe dhigida soomaalida cusub iyagoo markiiba gacanta ku dhigay qeybtii u horaysay ee Somalia ka go’day oo ah dalkeena kuwo kalena naawilayay.

Halka quwadaha hada gacanta ku haya dunidu  ee reer galbeedku, waxay duulaanka ka galeen inay baabiiyaan ama curyaamiyaan  dhaqanka iyo dhaqaalaha ee soomaalida; tusaale ahaan dhinaca dhaqaalaha quwaduhu waxay isku dayeen inay si waafi u ah uga faaidaystaan khayraadka bada ee Somalia iyagoo badaha Somalia u soo diray jidhiifyo qaatay kaluunkii iyo dhagaxii uu ku dhalayay kaluunku si loo sameeyo xaaluf balaadhan, waxay kalooy xeebta dheer ee Somalia u isticmaalayeen inay ku aasaan sunta hadhaaga warshadaha. Dhinaca dabargoynta xoolaha nool  haayaduhu waxay ku beereen dhul daaqsiimeedkii geed abaareedyo la dagaalama daaqa, xoolahana wax anfac ah u lahayn; dhinaca wax soo saarka  dalaga reer galbeedku waxay talaabooyinkii u horeeyay ee ay qaadeen waxay ahayd niyad jabinta beeralayda soomaalida, iyagoo ku dadaalay wakhtiyada wax soo saarka dalaga, inay keenaan ama bakhaaradooda ka soo saaraan mucaawinooyin lagu sii daynayo suuqa si loo niyad jabiyo wax soo saarka dalka, taas oo dadaalkoodii midha dhalay ka dib markii beeralaydu faraha ka qaadeen ku dadaalida beerfalashada; taas oo markii danbena ay qaadeen strategy kale oo ah in la baabiiyo siidhkii loo isticmaali jiray biqilka beeraha, iyagoo ku badalay siidh ay ku soo diyaariyeen laabab oo geedka siidhkaasi beero aanu ka tafiirmi Karin geed kale ilaa iyaga siidh kale laga dalbo.

Waxa kale oo reer galbeedku ku guuleysteen inay sii wadaan la dagaalanka dhaqan siyaasadeed ee bulshada, oo xagal daac ku yimi waagii tawrada; tusaale ahaan inay majaraha siyaasadeed ku ilaaliyaan koron kortii ay beereen waagii gumeysiga inta wax soo saar kale la helayo; halkaas oo energy iyo dhaqaale uga baahatay tusaale ahaan raacii hore ee wahaabiyadu waxay furteen xarumo waxbarasho oo diiniya kuwaas oo tayo ahaan iyo akhlaaq ahaan aad uga duwan kuwa reer galbeedka, taas oo sababi gaadhay majaraha siyaasada inay ku xoogaystaan duul kale oo aan la fikir ahayn reer galbeedka; arintaasi waxay khasab ka dhigtay inay reer galbaeedku dagaal lagalaan goobihii waxbarasho ee islaamka ku salaysnaa iyagoo maalgalino kala duwan u gaysanayay wasaaradihii waxbarasho ee kala duwanaa sida siyaasad dejinta wasaarada waxbarasho ee Somaliland , dib u dhiska iyo qalabaynta goobaha waxbarasho. Taas oo u fududaysay inay hesho goobo waxbarasho oo manaahijtoodu iyaga hoos tagto si ay u helaan jiilal cusub oo  u fikir dhow, waxay ka qayb qaateen unkida jaamacado ku shaqeeya manhajka maraykanka, isla markaasna maxsuulka la weeleeyo sida in loo qaato hayadaha kala duwan si loo fududeeyo strategyada reer galbeedka iyo u fududaynta ka qayb qaadashada majaraha siyaasadeed ee dalka; waxaanay taasi u hirgashay sidii loogu talo galay iyadoo dhamaan jiilkii haayadaha ee ku barbaarayay fikirka reer galbeedka laga qayb galiyay xayndaabka siyaasadeed ee dalka. Adigoo ka dheehanaya awooda jillka labada nin ee hogaamiya Somalia, hogaanka maamul goboleedyada  iyo nimanka u sharaxan talada Somaliland, siyaasada somalilanda sumcad kuma yeesho siyaasi aan lugta soo galin dunida reer galbeedka; iyagoo si fiican u fuliyay nidaamka dimuqraadiyada, hanti goosadka iyo tirtirada siyaasada ku dhisan mabaadii’da islaamka iyo soomaalinimada. Waxa kaloo qorshaha reer galbeedka ee geeska afrika saldhig u ahaa in la helo awood masiixiya oo maamusha muslimiinta geeska dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan, tusaale ahaan Ethiopia  oo kaalintaa u sharaxnayd waxa loo sahlay inay galaangal fiican u yeelato siyaasada iyo dhaqaalaha soomaalida.

Hadaba muwaadin Somaliland kaligaa dal iyo mustaqbal kuuma aha, ee fikir ahaan iyo siyaasad ahaan waxay ka mid tahay raciyada dunida reer galbeedka. Hoy iyo il dhaqaalena waxay u tahay Ethiopia. Waxay samaysteen hoy wax soo saar oo mustaqbalka gacan weyn siin doonta mustaqbalka sida Abaarso Tech. Reer galbeed duni la qabsatay majarahooda suurto gal maaha in si fudud u kala yaacdo tusaale sadexda musharax kii dhago adkaada si fudud ayaa loogu yeedhin doonaa inaanu ka leexan majaraha la dajiyay, adigana RRU ayaa kuu diyaara ee ha colaysan walaalkaa, jaarkaaga tolkaaga iyo xididkaaga alle ku baday ee aanay cid kale kuu soo waaridin.

Wabillahi tawfiiq

Abdikadir Nur Bahnan

baxnaano2060@hotmail.com

 

COMMENTS
LINKS