Xogo Laga Helay Kulan Addis Ababa Ku Dhexmaray Wasiirka Duulista Iyo Hawada Somaliland Iyo Wasiirka Duulista Somalia | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xogo Laga Helay Kulan Addis Ababa Ku Dhexmaray Wasiirka Duulista Iyo Hawada Somaliland Iyo Wasiirka Duulista Somalia
October 7, 2017 - Written by Reporter:

Addis.Ababa,(W,N)-Wasiirada Duulista iyo Hawada ee Somaliland iyo Somaliya Farxaan Aadan Haybe iyo Maxamed Cabdilaahi Salaad ayaa khamiistii kulan ku yeeshay magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya,halkaas oo ay kaga wada hadleen khilaafka ka taagan hawada dalkii hore ee la isku odhan jiray Somaliya.

 

download

Ma jirto warar rasmi ah oo labada wasiiir kasoo saareen kulankaasi,laakiin warar xog ogaal ah ayaa Geeska Afrika u sheegay in wada hadalada labada wasiir ee Somaliland iyo Somaliya ay fududeysay hay’adda dhex-dhexaadisa khilaafaadka siyaasadda ee caalamka CHD oo xarunteedu tahay magaada Geneva ee dalka Switzerland ,waxaana labada wasiir dhex fadhiyay Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar wasiirkii hore ee arrimaha dibada Somaliland oo madax ka ah qaybta Afrika ee hay’adda.

Sida ay wararkan xog ogaalka ahi sheegeen wasiirka ka socday dalka Somaliya ayaa soo bandhigay inaanay wali dawlada Somaliya si rasmi ah ugu horgalin inay la wareegto hawada madaama hay’adda ICAO shuruud ku xidhay in marka hore ay ogolaato Somaliland,sidaasna ICAO loola tago heshiis la isku raacsan yahay.

Wasiirka ka socday Somliland ayaa isna la sheegay inuu soo bandhigay heshiisyadii hore ay Somaliland iyo Somaliya ugu gaadheen dalka Turkiga ee nuxurkoodu ahaa sida ugu haboon ee wada jir looga maamulo karo hawada,waxaanu ku adkaystay in maamulka hawada ay gacanta ku hayso ICAO ilaa la gaadhayo heshiis loo dhan yahay.

Gunaanadkii sida uu warku sheegay waxay Somaliland iyo Somaliya ku ballameen in la iskugu tago shir balaahdan oo ay ICAO goob joog ka tahay,lana gaadho heshiis farsamo oo hordhaca ah,kulanka danbena waxa loo ballamay Bisha Jeeniwari ee sanadkan Soo socda 2018.

Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland waxa wahelinayay oo lasocday agaasimaha duulimaadka ee wasaaradda Duulista iyo hawada Siciid Ileeye (Saqiiro),halka uuu wasiirka Somaliya wahelinayay agaasimaha Duulista ee wasaaraddaas Somaliya Cismaan Maxamed.

COMMENTS
LINKS