Xisbiga Kulmiye Oo Magacaabay Guddiga Diyaarinta Iyo Maamulka Muraaqibiinta Xisbiga | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiga Kulmiye Oo Magacaabay Guddiga Diyaarinta Iyo Maamulka Muraaqibiinta Xisbiga
October 6, 2017 - Written by Reporter:

Hargaysa(W,N)-Xisbiga Kulmiye isagoo aqonsan mihiimada ay muraaqibiinta xisbiga u leeyihiin hufnaanta doorashada madaxtooyada ee soo socota waxaa  uu magacaabay.

 

kulmiye

Ref. No: XK / XGX / 0042272 / 2017 October 6th, 2017

Ku: Cabdicasiis Maxamed Samaale =Hargeisa =
Ku: Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan =Hargeisa =
Ku: Cabdikariim Axmed Maxamed =Hargeisa =
Ku: Ibraahim Daahir Dubad =Hargeisa =
Ku: Axmed Muumin Seed =Hargiesa =

Og: Hogaanka Xisbiga KULMIYE = Hargeisa =

Ujeeddo: Magacaabista Guddida Diyaarinta iyo Maamulka Muraaqibiinta Xisbiga KULMIYE.

Xisbiga KULMIYE isaga oo aqoonsan muhiimadda ay Muraaqibiinta Xisbigu u leeyihiin hufnaanta Doorashada Madaxtooyada ee soo socota, waxa uu magacaabay Guddida Diyaarinta iyo Maamulka Muraaqibiinta Xisbiga KULMIYE. Xubnaha Guddida Diyaarinta iyo Maamulka Muraaqibiinta Xisbiga KULMIYE waxa ay kala yihiin:

  1. Cabdicasiis Maxamed Samaale – Guddoomiye
    2. Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan – Guddoomiye Ku Xigeen
    3. Cabdikariim Axmed Maxamed
    4. Ibraahim Daahir Dubad
    5. Axmed Muumin Seed

Guddidani waxa ay masuul ka yihiin diyaarinta, tababarka iyo maamulka muraaqibiinta iyo goob-joogayaasha Xisbiga KULMIYE. Waxa kale oo ay masuul ka yihiin adeegsiga farsamada cariga ah ee IT-ga iyo xog ururinta (Data Collection).
ALLAA MAHAD LEH

 

COMMENTS
LINKS