Waxaynu U Baahan Nahay Hogaamiye Dawladnimada Ina Bara.(Good Governance Training) Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax. Jeesto | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waxaynu U Baahan Nahay Hogaamiye Dawladnimada Ina Bara.(Good Governance Training) Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax. Jeesto
October 25, 2017 - Written by Reporter:

Afrikaanka  dhamaantii  waxa  laysu  raacey  in  yaga  kaliyaata  wado  lagu  rido  ama  meel  lagu  jiheyo  sidaa  loogu  tala-galeyna  ay  mudo  jiilel  kala  danbeeya  ah  ay  ku  shaqeeyaan,  Inaguna   waxaynu  nahay  umad  ka  soo  jeeda,  ku  beeran  ama  ka  mid  ah  Umamka   faraha-badan  ee  reer  afrika  waliba  kuwa  ugu  caasan   xaga  qoomiyadaha  sidaa  darteed  inagama  madhna  dabeecadaha  Afrikaanku,  waxase  inala  gudboon   inaan  hour-marka  iyo  hana-qaadyada  caalamiga  ah  aan  la  jaan-qaadno  si  afrikada  inaga  tagtey  ama  dunidaba  aan  ula  talaabsano.

jeesto(18)

 

Inagoo  reer  Somaliland  ah  soomaali  ku  dhaqan  geeska  afrika   waxa  ina  bar-baariyey  oo  dawladnimada  iyo  nidaamkeeda  inoo   sameeyey  Hogaamiyihii  Sharafta  mudnaa  Madaxweyne  Maxamed  Xaaji  Ibraahim  (Cigaal)  Allaha  U  Naxariistee,  Balse  waxa  uu  inaga  dhintey  isagoon  ina  tababarin  oon  dawladnimadii  ina  fahansiin  ama  maamul-wanaagii,  hanaankii  dawlad  hilinka  saxda  ah  haysata,  Hadaba  waxa  maanta  marxaladan  ka  danbeeyey  hagahaa  toosnaa  inala  gudboon  inaan   helno  hogaamiye  waayo  isagaa  ikhtiraaci  kara  ama  sawiri  kara  qaran  lagu  qanco  ,  lagu  mideysan   yahay  oo  horumar  iyo  waxtarba  yeesha.

Sababtoo  ah  dawlad-wanaaga  iyo  nidaamka  aan  doonayno  waa  ka  inoo  sahlaya   inaan  dunida  ka  helno  aqoonsi  caalamiya  ama  shuruud  buuxda  oo  dalnimo   dhameystiran  aduunkana  ku  leh  xuquuq  la  siman  ta  qayrkeed,   Ta  labaad   waxa  muhiim  inoo  ah  inaan   fahano  qaabka  dawlad-wanaaga   iyo  hanaanka  uu  u  shaqeeyo  waayo  waxay  inoo   dhaleysaa  dawlad  umada  hagta  kuna  dabaasha  Sharciga  iyo  Cadaalada  si  aaney   reernimadu  uga  weynaan  dawladnimada,  Xaqiiqatan  waxay  inoo  sahlaysaa  fahanka   dawladnimadu  inaan  helno  cadaalad,  sharci,  iyo  saami  loo   wada  siman  yahay  wax  kastaana  ka  mudan  yahay  sharcigu  waa  tan  dawlad-wanaaga   aan  jeednaa.

Markaa  hadaba  marxaladani  waxay  u  baahan  tahay  inaan  helno  hogaamiye  adeg  oo  ku  ad-adeg  sharciyada  go,aankiisuna   yahay  geed  ka  go,an  biyo  kama  dhibcaan  ah ,  Kaasi  oo  xili  adeg  gaadhi  kara  go,aan  masiiriya oo  culayskiisa  wata  laguna  bad-baadinayo  jiritaanka  iyo  qaranimadeena  si  aan  wadada  horu-socod  hore  ugu  sii  jirno ,  Hadii  aynu  helno  hogaamiye  adeg  waxa  lama  taabtaan  ah  inaan  ka  duwanaanayno  wadamada  jaarkeena  iyo  afrikaankan  ay  daashatey  dawlad-xumadu   waana  qodob  aan  kaga  gadisanaanayno  dhamaantood,  Inagana  waxa  inoo  hir-galaya   dawladnimo  dhamaystiran  oon  lahayn  is-bar-bar  yaac,  ama  kala  danbayn  la,aan,  Runtii   tani  waxay  suura-galinaysaa  mustaqbalkeena  iyo  hanaansamida   sii  jiritaankeena.

Hogaamiyuhu  waxa  uu  ina  baranayaa  dawladnimada  isagoo   wax  walba  sharci  ka  horeysiina   waa  hogaamiyaha  adage , Inkastoonu   ina  khasbayn  hadana   waxa  uu  inaga  dhaadhicin  doonaa  dawladnimada-wanaagsan  iyo  qaabkeeda  taasi  oo  nin  walba  lagu  ixtiraami  doono  waxa  uu   hayo  ama  uu  yahay,  jiri  mayso  in  libin  la  siiyo  cid  aan  mutaysan  ilaa  qof  dadaal  u  soo  galey   mooyaane,  Jiri  mayso  waxan  la  yidhaa  hada  xalka  balse  waxa  jiri  doona  xul  ama  ma  qalmaa  ruuxaasi  halkaa  amaba  meeshaasu  ma  u  qalantaa  caynkaa,  Waa  nimaad  edab  iyo  ku  dhisan  kala  danbayn  xad-dhaafa  waa  dawladnimada-sane.

Waxaynu  u   baahan  nahay  hogaamiye  dadka  dhamaantood  uga  aqoon  badan  dalka,  dadka,  iyo  duunyadaba  si   waxa  uu  aaminsan  yahay  inooga  dhaadhiciyo  yadoo  lagu  saleynayo  dawlad-wanaag  iyo  hanaanka  dawladnimada  dhameyska-tiran  ee caalamiga  ah.  Tubtaasi  hadaynu  hanano  jiri-mayso  cid  qarankan   Somaliland  soo  haybsanaysaa  xaga  horumarka  iyo  ka  midho-dhalinta   himilada   qarankan  jamhuuriyada  Somaliland  bildhaansado,  Hogaamiyaha  adegi  waa  abaaha  dawladnimada  halka  aynu  maanta  taagan  nahayna  waxa  kaliyaata  aan  tabeynaa  waa  dawlad  leh  awood  iyo  nidaam  dawladeed  lagu  wada  kalsoon  yahay  oon  looga  baqeyn  cadaw  iyo  cid  kale  toona  hadaba  aan  is-fahansiino  waa  kuma  hogaamiyaha  adegi ,  maxaase  lagu  garan  karaa .

Hada  waqti-xaadirkan  Somaliland  waxay   galaysaa  doorashooyinkii  Madaxtinimada  waa  halka  ay  maanta  wax  ka  baddeli  karto  ama  ka  xumeyn  karto,  Yadoo  sidaasa   waxa  jira  musharaxiin  tar-tamaya  hadaba  waa  in  kuwaasi  loo  gar-naqo,  la  kala  garto,  kii  hanan  kara,  kii  hogaamiye  ah,  Iyo  kii  marxaladan  maanta  dadka  kala  dabaalan  kara.  Aakhiran  waxaan  Is-weydiinanaa  waa  kuma  hogaamiyaha  adeg   ee  ay  Somaliland  haysataa   mustaqbaliyan  mid  dhaw  iyo  mid  fogba,  Horta   waxaan  u  malaynayaa  inaan  hayno  sanadahan   hogamiye  adeg  oo  inaga  bixin  doona  dhamaan  waxaynu  tabayno .

 

Qalinka:  C/raxmaan    Sayid   Faarax  (Jeesto).

Diplomatic  Annalysts

Gabiley/Somaliland.

abdiraxmaanjeesto111@gmail.com

 

 

COMMENTS
LINKS