Wasiirka Arimaha Gudaha Somailand Oo Kormeer Shaqo ku tegay Xarunta Taliska Ciidanka Dab-Damiska. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arimaha Gudaha Somailand Oo Kormeer Shaqo ku tegay Xarunta Taliska Ciidanka Dab-Damiska.
October 4, 2017 - Written by Editor:

Hargeysa (W,N) Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayaa Maanta Bookhday Xarunta Taliska Ciidanka Dab-Damiska Qaranka Somaliland ee Caasimada Hargeysa.

Wasiirka ayaa waxaa Halkaasi ku soo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan [Sawaaxili ] oo ay Weheliyaan Taliye Ku-Xigeenka Ciidanka Dab-Damiska Somaliland Cabdi-Xamiid Faarax Iidle,iyo Agaasimaha Fulinta ee Ciidanka Dabdamiska Somaliland Cabdiqaadir Cumar Xaashi iyo Hogaanka Tababarada Khayre Goox Abokor.

COMMENTS
LINKS