|
|||||
WAJAALE NEWS
Warqad Furan!! Qalinkii Cabdinaasir Ibraamih.
October 20, 2017 - Written by Editor:Ku foolle: Muwaadiniinta Reer Somaliland gude iyo debed ba. Casar-dheere wanaagsan, idil ahaantiiba waa Cabdinaasir oo idinka soo bariidinaya Hargeysa. Wanaagsan ammin kasta oo farriintani idin soo gaadho. Dhambaalkani wuxu si gaar ah ugu wajahan yahay dadyowga reer Somaliland ee gudaha dalka jooga iyo kuwa debedda jira ba. Somaliland xilli aad u xasaasi ah ayay ku jirtaa, degmo aan wanaagsanayn xagga ammaankana waa ku taal. Qaranku waa curdin, saxaafadduna dabarka ayay goosatay xorriyad awgeed. Xilli doorasho ayaan ku jirnaa dadka ololeyaasha siyaasadda hor kacayaa shacabka ma jahayn, ereyo badan oo xanaf leh ayay hawada isku mariyaan. Dadku inta badan ma fahansana waxa aan wada leenahay iyo waxa kala leenahay. Qarannimada waan wada leenahay, dadkuna axsaabta way ku kala jiraan. Ragga hoggaanka ku loolamayaa dhammaantood waa gayaan in ay majaraha dalka qabtaan, dooddooda ugu adagna waa anigaa kaaga habboon dalka iyo mayee anigaa kaaga habboon. Saddexdu ba dalka way u soo shaqeeyeen, hawshoodu haba kala badnaatee. Arrimahan ayaan qof ahaan ku talin lahaa;
Anigu Cabdinaasir ahaan, waxa aan ballan qaadayaa in aan intaa ololuhu socdo wanaagga iyo isku soo dhoweynta ka shaqeeyo, Qarankana wax wanaagsan ka gudbiyo qoraal ahaan. Axsaabtu way ii siman yihiin, goortan midna dhalliili maayo, kii wanaag sameeyana waan sheegi doonaa. Muhiimadduna waa Qaranka oo guulaysto. RABBI GALLADDII Related posts:Ma Somaliland Baa Somali Diid Ah, Mise Ninkii Gaagixiyey Ee Waliba Gudhiyey Wanaagii Iyo Walaalnimad... Goo-gooska Isla Xisaabtanka Biyo-Xidheenka Gabiley Muxuu Uga Dhigan Yahay Somaliland?Aqoonyahan Must... Bahda_Qoraaga_Qalinka_maanta Waa Dhaliyaro Ku Bahowday Qalin Ama Qoraalo Soo Bixi Doona Bil Walba H... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|