War Laga Soo Saaray Diyaaradii Malaysia Ee La Waayay Sanadkii 2014ka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Laga Soo Saaray Diyaaradii Malaysia Ee La Waayay Sanadkii 2014ka
October 4, 2017 - Written by Reporter:

Hargaysa,(W,N) – Baadhayaal u dhashay dalka Australia oo ku hawlanaa sidii loo heli lahaa raq iyo ruuxba diyaaradii MH370 ee Malesia laga lahaa ee la waayay sanadkii 2014-kii ayaa war kasoo saaray baadhitaankooda.

 

2017104636427046694978406maleesi

 

Duulimaadkan oo u kala gooshayay magaalooyinka Beijin ee shiinaha iyo Kuala Lumbur ee Malesia, islamarkaasna ay saarnaayeen 239 rakaab ah ayaa la waayay meel ay ka baxday.

Baadigoobkan oo ay sidoo kale ku hawlanaayeen dalalka Shiinaha iyo Malaysia ayaa waxaa si rasmi ah loosoo afjaray bishii january ee sanadkan kadib markii lagu hawlanaa 1,046 maalmood.

Kooxda reer Australia ayaa sheegay in ay tahay wax maskaxdooda ka wayn, islamarkaasina aysan bini’aadamka qiyaasan karin in diyaarada la waayay wax xitaa raadkeeda ah.

“Waa wax uuna maanka qiyaasan karin , islamarkaasna aanan la aqbali karin in taariikhda casriga ah ee duulimaadyada oo maalin kasta ay hawada isticmaalaan 10 milyan oo qof, in la waayo diyaarad sidaas u weyn, qofna uusan sheegi karin halka ay ku dhibicday” ayaa lagu yidhi war qoraal ah oo lasoo saaray.

Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in inkasta oo loo galay dadaal aan xad lahayn baadigoobka diyaaradan, in haddana la waayay meel lagu sheego.

Balse warbixinta ayaa lagu sheegay in markii dad ugu war dambaysay diyaaradda lagu xaqiijiyay meel 25,000 km u jirta dhanka waqooyi badweynta Hindiya, gaar ahaan halkii laga baadi goobay.

Diyaarada ayaa xitaa laga baadi goobay gunta hoose ee badda, waana baadhitaankii ugu waynaa oo la sameeyay inta la xusuusanyahay taariikhda duulimaadyada adduunka.

Janbiyo loo maleeyo in ay kasoo fuqeen diyaaradda ayaa kusoo caariyay meelo ka mid ah jasiirado ku yaala badweynta Hindiya iyo xeebaha bariga Afrika.

Meeshan ay baadhayaasha ku tilmaameen diyaaradda in ay ku dambaysay ayaa waxaa lagu saleeyay qiyaas laga qaatay dhinaca ay walxaha u daad-raacaan iyo waliba xog laga heley dayax-gacmeedyada.

Dowladda Australia waxa ay sheegtay in ay baadhitaanka dib u bilaabayso oo kaliya haddii la helo caddeymo rasmi ah.

COMMENTS
LINKS