|
|||||
WAJAALE NEWS
War-Deg-Dega: Madaxweyne Siilaanyo Oo Xilkii Ka Qaaday Gudoomiyihii Gobolka Maroodi Jeex,
October 26, 2017 - Written by Reporter:WAR-SAXAAFADEED: 26/10/2017
Xilka Qaadis Ku: Mudane, Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine), Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hargeysa Ujeeddo: Xil-ka Qaadis Mudane, Waxaan aad kuugu mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland. Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Boos Mire Maxamed, oo aan xilka Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland u magacaabay. Sidoo kale, waxaan Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto, farayaa in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex. Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Guddoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin Dhismaha Qaranka; Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday In Mudane, Boos Mire Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland. ALLAA MAHAD LEH COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|