War-Deg-Dega: Madaxwayne Siilaanyo Oo Magacaabay Xilal Cusub | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War-Deg-Dega: Madaxwayne Siilaanyo Oo Magacaabay Xilal Cusub
October 25, 2017 - Written by Reporter:

WAR-SAXAAFADEED: 25/10/2017
index

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-5157/102017 uu ku magacaabay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Maalgashiga Somaliland iyo Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiyidoona Dalka Ireland.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Maalgashigu u leedahay kor u qaaddida koboca dhaqaalaha iyo horumarinta Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo magacaabidda jagada Maareeyaha Guud ee Hay’adda Maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cismaan Maxamed Jaamac Badmaax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Hay’adda Maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiillada Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo magacaabidda jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Ireland;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Aadan Jaamac (Dheri), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Ireland.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

COMMENTS
LINKS