|
|||||
WAJAALE NEWS
War-Deg-Dega: Madaxwayne Siilaanyo Oo Magacaabay Xilal Cusub
October 25, 2017 - Written by Reporter:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-5157/102017 uu ku magacaabay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Maalgashiga Somaliland iyo Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiyidoona Dalka Ireland. Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Maalgashigu u leedahay kor u qaaddida koboca dhaqaalaha iyo horumarinta Qaranka; Markuu Arkay: In baahi loo qabo magacaabidda jagada Maareeyaha Guud ee Hay’adda Maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday In Mudane, Cismaan Maxamed Jaamac Badmaax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Hay’adda Maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiillada Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka; Markuu Arkay: In baahi loo qabo magacaabidda jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Ireland; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday In Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Aadan Jaamac (Dheri), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Ireland. ALLAA MAHAD LEH Xuseen Aadan Cige (Deyr) Related posts:Daawo:Xus Balaadhan Oo Loo Sameeyay Sanad Guuradii 43aad ee Kasoo Wareegtay Geerida Abwaan Tima cade... DAAWO;-Madaxwayne Muuse Biixi Oo Sheegay In Saldhiga Berbera Xukuumadu Kiro ka Qaado Dawlada Emaraad... Dawladda Ingriiska Oo Ku Dhawaaqday In 1.1 Bilyan Dollars Ay Ku Bixinayso Kor Uqaadista Amaanka Dalk... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|