|
|||||
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah:-Madaxweynaha Somaliland Oo Sameeyey Magacaabis Cusub Iyo Isku Bedel
October 28, 2017 - Written by Reporter:WAR-SAXAAFADEED: 28/10/2017
Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka; Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo in isku beddel lagu sameeyo jagooyinkan hoos ku xusan; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo; Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday in laga bilaabo taariikhda Xeerkan In Mudane, Ibraahim X. Xasan Cali, uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Saraar ee Jamhuuriyadda Somaliland. (hore Gobolka Hawd ) In Mudane, Cali Maxamed Faarax, uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Hawd ee Jamhuuriyadda Somaliland. (hore Gobolka Saraar ) Magacaabida La-taliye Madaxweyne Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay La-taliyeyaasha Madaxweynuhu u leeyihiin dhismaha Qaranka; Markuu Arkay: In baahi loo qabo magacaabidda jagada La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqanka iyo Is-dhexgalka Bulshada; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday In Mudane, Maxamed Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqanka iyo Is-dhexgalka Bulshada. ALLAA MAHAD LEH
Related posts:Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Somaliland Oo Digniino Culus Soo Saaray, Shaaciyayna In Aanay Imt... “In Beesha Habar Jeclo Oo Lahayd Aas Aaska Xisbiga Kulmiye Hal Xildhibaan Uga Soo Baxo, Af xumada Ci... Madaxweyne Silanyo Oo Caawa Soo Kormeeray Qaar Ka Mida Suuqyada Hargaysa Oo Ay Ka Socoto Diyaargaraw... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|