|
|||||
WAJAALE NEWS
Wafti Madax-dhaqameed Ah Oo Ka Socday Beesha Garxajis Oo Si Wayn Loogu Soo Dhaweeyay Degmada Xariirad Ee Gobolka Salel Iyo Ujeedada Socdaalkooda + Sawiro
October 2, 2017 - Written by Reporter:Hargeysa(W,N)-Wafti culus oo madax-dhaqameed ah isla markaana ka socday beesha Garxajis ayaa si wayn maanta loogu soo dhaweeyey deegaanka Xariirad oo ka tirsan gobolka Salel. Waxaana madax-dhaqameedkan si wayn u soo dhaweeyey odayaasha,waxgaradka cuqaasha iyo salaadiinta deegaanka Xariirad. Ujeedada madax-dhaqameedkan ka socda Beesha Garxajis ayaa daaran sidii ay madax-dhaqameedka iyo odayaasha deegaanka xariirad ugala xaajoon lahaayeen ka wada hadalka xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhaxeeya Beelahan. Waxaana sooryo iyo soo dhawayn balaadhan kadib ay madax-dhaqameedka beesha Ciise iyo madax-dhaqameedkan ka socday beesha Garxajis ay jilbaha isku dareen kulan saacado badan qaatay,kaas oo ka dhacday geedka Gerdaha ee magaalada Xariirad,waxaana ay labadan madax-dhaqameed ka wada hadleen xidhiidhka tolnimo iyo madax-dhaqameed ee ka dhaxeeya Beesha Ciise iyo beesha Garxajis. Gabagabadiina kulankan ay jilbaha isku aasteen labadan madax-dhaqameed ayaa waxa labada dhinac isla qaateen sii xoojinta xidhiidhka gacaltooyo iyo madax-dhaqameednimo ee ka dhaxeeya beelahan.
Related posts:Wasiirka Waxbarashada Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Gaadhay Magaalada Ceerigaabo Ee Gobolka Sanaag! “Waxaan Go,Aansaday Inaan Bulshaddayda U Adeego, Una Tartamo Xubin Ka Mid Golaha Deegaanka Caasimada... Madaxwayne Farmaajo Oo Ka Horyimid Shaqo Ka Joojin Uu Raysal-wasaare Rooble Ku Sameeyay Fahad Yaasii... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|