Wacyi Galin ku Aadan Bulshada Somaliland W/Q: Axmed Shaafi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wacyi Galin ku Aadan Bulshada Somaliland W/Q: Axmed Shaafi
October 31, 2017 - Written by Reporter:

waxaan usoo jeedinayaa siyaasiyiinta iyo madaxda xisbiyada inay joojiyaan hadalada xanafta leh ee ay ka odhanayaan fagaarayaasha ku kanbayn

lo (9) copyyyyyyyyyyyyy.jpg

 

bulshada somaliland iyaga oo aad ufahansan in waxa ka socda guud ahaan jamuuriyada barakaysan ee somaliland in ay tahay tartan ay tartamayaan asxaabta wadanka oo loogu loolamaayo labada jago ee wadanka ugu sareeya(madaxwayne iyo madaxwayne ku xigeen).

iyada oo aynu ku kalsoonahay buseelka bulshadeena iyo ufeejignaantooda xaga ilaalinta nabada iyo daganaanshaha dalka. waxaa muhiima in laga fogaado waxkasta oo kala fogaynaya bulshada somaliland wada noolaanshahooda iyo isku duubnidooda. waxaan usoo jeedinayaa siyaasiyiinta iyo madaxda xisbiyada inay joojiyaan hadalada xanafta leh ee ay ka odhanayaan fagaarayaasha ku kanbayn garaysanayaan, hadaladaasi oo bulashada kala fogayn karaya, maadaama oo aynu ognahay in sanadkan tartanka loogu jiro madaxitinimadu uu yahay tartan aad iyo aad u adag. way furantahay in la ololaysto lana kala jiito taageerayaasha laakiin waa in loo maraa hab toggan oo aan ahayn inagaa isku reera iyo inagaa isku qabiila toona, waa in laga fogaadaa kooxaysiga ku dhisan qabyaalada iyo jeegaamaysiga oo loo guura in lagu tartamo sidii loogu kasban lahaa dadka barmaamuj iyo siyaasad. waxaa wax aad looga xumaado ah in aynu aragno saraakiil qaranka u haysa xilal aan siyaasad ahayn ama aan siyaasadu saamayn ku yeelanin shaqooyinkooda, qarankana ugu shaqeeya khibradooda (bureaucratic officials) oo u olalaynaya xisbiga talada wadanka haya waana arin kabaxsan anshaxa shaqaalaha dawlada ee aan siyaasiga ahayn. marabo inaan qoraalkaygan ku xuso shakhsiyaad laakiin waxaan ku boorinlahaa dhamaan dadka ku hawlan waxaasi inay dib caqliyadooda uwaydiiyaan shaqadoodu waxa ay tahay. ugu danbayntii waxaan bulshada somaliland ugu baaqi lahaa inay quluubta mid ka noqdaan kana midaysnaadaan qaranimada jamuuriyada soomalild, ilaalinta amniga oo aynu ognahay inaynu leenahay nacab badan oo u heelan inay maruun khalkhal galiyaan nabada qaranka,inay umidaysnaadaan sidii loo helilahaa somaliland mida oo aan kala qobqobnayn. waxaan kusoo gaba gabaynayaa maqaalkayga muwaadin xaq ayaad uleedahay inaad taageerto xisbi dooratana cida aad isleedahay Qaranka ayay hogaanim kartaa laakiin mihiimadu waa inaan taageeradaadu caqabad ku noqon jiritaanka Qaranka curdinka ah.

waxaan kusoo gabagabaynayaa ugu danbayntii

Quluubta mid qudha bulshooy kanoqda.

qalinkii: Axmed Shaafi

shaafi413@hotmail.com

 

COMMENTS
LINKS