Waa Maxay Olele Doorasho? W/Q: Maxamuud Xeef | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waa Maxay Olele Doorasho? W/Q: Maxamuud Xeef
October 24, 2017 - Written by Reporter:

Balse sida ay hadda wax u socdaan gaar ahaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland ayaa ah kuwo la majaro habaabiyey.

 

xeefo(28)

Waa maqaal kooban oo aan idin kula wadaagi doono micnaha iyo ujeedadada ka danbeysa qabashada olelaha doorashada ee ka dhaca dunida iyo kan ka dhacay Somaliland, waxay iska midka yihiin iyo waxyaabaha kale ee ay ku kala duwan yihiin oo aan si kooban isu dul taagi doono.

Ujeedad ugu weyn ee ka danbeysa in asxaabta tartamaya ay qabsadaan olele kaltan ah, ayaa micno ahaan looga dan leeyahay si fursad loo siiyo xisbigaasi inuu kula kulmo taageerayaashiisa oo uu kala hadlo waxqabkiisa oo ah balan qaad hadiiba uu ku guleeysto doorashada dhici doonta, taas waxa sii dheer is xaal wareysi iyo sixitaan haddii ay jiraan meelo looga baahan yahay inuu xisbigu iska adkeeyo si aanay fursad ugu noqon kuwa dhigiisa ah ee la tartamaaya.

Balse sida ay hadda wax u socdaan gaar ahaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland ayaa ah kuwo la majaro habaabiyey, waxaana ka dhalan karta isku dhac bulsho iyo kala fogaanshiyo dhexdooda ah oo ay keenaan kala duwanaanta afkaarta iyo ficilo aan wanaagsanayn oo dhici kara mararka qaar sida aynu aragno, amaan darana abuuri kara.

Waxa taas sii dheer u hoganaansi la’aanta shuruucda anshax ee loo dejiyey iyo raacitaankooda, waxaana meesha ka maqan awoodii komishanka ee xadayn lahayd arintan oo soo nqonoqotay, laakiin aanay jirin si cad oo wax looga qabtay marka laga tago hadalo saxaafada laga yidhi oo aan meel loo qaado aanay jirin.

Dhinaca kalena waxa jira dad badan oo isugu jira, caruur iyo dad waa weyn oo baabuur xawaare sare ku socda daaqadaha saran oo ay naftoodu halis ku jirto, waxaana barbar socda haween tiro badan oo suuqyada qaylo iyo buuq ka turjumaaya cida ay raacsan yihiin sameynaya, taas oo aan diin ahaan iyo dhaqan ahaanba ah mid aan wanaagsanayn oo ay ka dhalan karto ciqaab iyo cadho Alle.

Ugu danbeyntii, maaha ololuhu sida aynu u fahanay ee ah, qaylada, is-dhexyaaca iyo is-dhexgalka, ee waxa weeye in si nidaamsan xisbi kastaa uu isu bandhigo waxa uu umadda u sheegayo ama uu qaban doono marka la doorto oo cad.

Maxamuud Xeef.

Mahadsanidiin.

mohamoud.heef@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS