“Taariikhda Dagaal Sokeeye Meelna kama Soo Galo, Kuwii Horena Waxan ka Mid Ahaa Shakhsiyaadkii la Baxay “Nacasyada” Cali Guray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Taariikhda Dagaal Sokeeye Meelna kama Soo Galo, Kuwii Horena Waxan ka Mid Ahaa Shakhsiyaadkii la Baxay “Nacasyada” Cali Guray
October 30, 2017 - Written by Editor:

RUNEEY LAGU NECEB.

OO LAGAA ROOR

OO LAGUMA RABO.

Doraad Sabtidii mar aan ka jawaabayay hadalkii Musharaxa Waddani uu Borame ka yidhi digniintii aan bixiyay waxay ahayd “ hadii mar dambe ay ka hadlaan dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay waan ka hadli oo weliba kii Berberadan ka dhacay oo ahaa kii ugu horeeyay ayaan ka bilaabi”, intaasi ma digniin bay ahayd mise dagaal uu Caligurey iclaamiyay? Wuxu ka dhigay xisbiga beenta iyo runtu ay isugu midka yihiin ee Waddani “Caligurey oo dagaal iclaamiyay” taas oo ah wuxu yidhi Berbera ayaan dagaal ka bilaabi.

Taariikhda Caligurey dagaal sokeeye meelna kama soo galo kuwii horena waxan ka mid ahaa shakhsiyaadkii la baxay “nacasyada” een si toosa iyo si dadban midna uga qaybgelin markii ay fariidadu dagaalamayeen. Waa la i waydiiyay sababta oo waxan ku jawaabay “ dagaalkii hore ee dibu xoraynta Somaliland sallaan kor loo fuulayo ayuu ahaa ninka ugu geesisan ayaa figta ugu saraysa tegayay, laakiin kan sokeeyuhu waa sallaan hoos loogu daadegayo oo ka ugu geesisan ayaa taxadka ugu hooseeya tegaya”. Markaa anigu waxan ka doorbiday nacasnimo ee iga daaya aan nacaskaygaa iska ahaado eh. Caligurey si Alleh ku yidhaaba dagaal ka dambeeyay kii SNM iyo Taliskii Siyaad Barre looma nisbeeyo waanay yar yihiin SNM inta sidayda nacasnimada ka doorbidday dirir sokeeye.

Laakiin halka ay kuwan Waddani ka gubanayaan waa taariikhda ay beenta ka sheegeen oo ay ogyihiin hadii aan ka hadlo in aan run ka sheegi doono oo weliba hebel hebel u kala sheegi doono oon dheriga iyo dhiishaba kala jebin doono oo aan ka sheegi karo wax aan qof kaleba ka sheegi karin ilayn waxan ahaa dhuuntii moqor iyo afba ogayd eh. Dagaalkii Berbera oo keliya hadii aan ka sheekeeyo intii aanu dhicin dadaalkii aan ka galay in la baajiyo weerarkii lagu soo qaaday oo aanan wax kaleba ka hadlin waa la yaabi. Markii dhegaha la iga gufaystay tigidh bas ka goostay intii aanu qarxin oo waxan u dhoofay Imaaraadka oo aan iska fadhiyay sedexdii bilood ee ugu horeeyay. Waxan ka dhoofay Berbera maalin Khamiis ah Cismaan Awrliqe oo khamiistii dambe la socday ayaa ii xaqiijiyay dagaalkii aan ka soo baxsaday inu ka bilaabmay Berbera. Garo oo waana bartii aanu ku kala tagnay aniga iyo kooxdii ugu mayalka adkayd muxaafidkii aan ka tirsanaa ee lagu naanaysi jiray SHIISH(Shiish-wanaag) een idhi

( هدا فراق بيني و بينكم )

QALINKII MUJ CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)

COMMENTS
LINKS