Taageerayaasha Musharaxa Kulmiye Oo Maalmihii u Danbeeyay Si Qaawan Baraha Bulshada Ugu Aflagaadaynayay Beel Taageertay Xisbiga Wadani, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taageerayaasha Musharaxa Kulmiye Oo Maalmihii u Danbeeyay Si Qaawan Baraha Bulshada Ugu Aflagaadaynayay Beel Taageertay Xisbiga Wadani,
October 15, 2017 - Written by Editor:

Hargaysa (Wajaalenews) Qaarkamida kaadiriinta xisbiga Kulmiye ayaa mudooyinkan ugu danbeeyayba ku hawlanaa arimo ka baxsan anshaxa iyo hanaanka dariswanaaga axsaabta qaranka Somaliland iyaga oo tan iyo intii lagu dhawaaqay  tirade guud ee cod bixiyayaasha iska diiwaangaliyay Somaliland ay bilaabeen aflagaadooyin,Cay iyo erayo ka baxsan akhlaaqda siyaasada, waxaaanay si toos ah u abaareen siyaasiyiin,mujaahidiin iyo wariyayaal caan ah oo beel kali  ah  kazoo wada jeeda balse taageeradoodii Hore ugala  noqday xisbul xaakimka Kulmiye una digo rogtay xisbiga mucaaradka ah ee Wadani.

XAMARJI

Siyaasiyiintan,Mujaahidiintan iyo saxafiintan oo ka soo wada jeeda beesha makaahiil(Sacad muuse)ayaa ka mid ah dadka sida tooska ah loo abaaray ee xataa loogu hanjabay in aanay ka mid ahayn beeshaas taas oo ka dhigan in isirkoogii siqaawan loo weeraray iyadoo tusaale ahaan ereyada lagu soo qorayay barta facebooga ay kamid ahayd (XATAA MAKAAHIIL MATIHID ) waxaanay tani keeni kartaa hadii aan laga hortagin arimo xasaasiyad  kicin kara .

WARIYE XAMSE CALI

FARXAAN FACUL

Dhanka kale  taageerayaasha marushaxa kkulmye ee xiligan ololohoogii kusoo ururay hab qabiil iyo waa markaygii iyagoo umuuqda kuwo xiligan kuwa aad uga niyad jabsan  Hiigsashada kursiga Dalka ug sareeya rajada ay ka qabaan.

HALKAN KA DAAWO MUJ FARXAAN FAACUUL KA DAREEN CELIYAY  HADALADA KASO YEEDHAY MASUULIYIINTA XISBIGA KULMIYE IYO HANJABAADII UGU CUSLAYD OO UU HAWADA UMARIYAY,

https://youtu.be/6LFo7Ka6KpU

 

WARIYE  FARXAAN MAXAMED BARKHED

COMMENTS
LINKS