Suuqii Ugu Waynaa Dharka Ee Dalka Kenya Oo gubtay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Suuqii Ugu Waynaa Dharka Ee Dalka Kenya Oo gubtay
October 6, 2017 - Written by Reporter:

Nairobi,(W,N) – Suuqii ugu wayna ee lagu iibin jiray dharka celiska ah Huudheydhka’’ dalka Kenya ayaa gubtay saqdii dhexe ee xalay.

 

2017106636428788842576497suuqaa

 

Suuqan oo lagu magacaabo Gikomba ayaa ku dhaw magaalada Nairobi waana suuqi ugu ballaardhnaa ee laga heli jiray dharka jaban ee celiska ah.

Dhar aad u badan ayaa la sheegay in suuqan ay ku basbeeleen maadaama dabku uu ahaa mid xoogan oo aan helin  gurmad deg deg ah si loo damiyo.

Wasiir ka tirsan dowladda Kenya, Mwangi Kiunjuri, ayaa sheegay in la baadhayo waxa sababay dabkan qabsaday suuqa oo marar badan oo horena sidan isaga soo daba noqday.

Waxaa laga shakisanyahay in dabka soo noqnoqday ee suuqa Gikomba uu yahay “mid si ulakac ah loo sameeyo”

Gawaadhida dab demiska ayaa ayaa illaa iyo hadda deminaya suuqa gubtay, si ay u badbaadiyaan wixii ka hadhay dharka huudheydhka.

Mid ka mid ah suuqlayda ayaa sheegay in ay ka gubteen 250 bundadood oo u dhigma $23 kun oo dollar (£17,600).

 

COMMENTS
LINKS