Somaliland Heerka Qabyaalda Iyo Daneysiga W/Q: Maxamuud Xeef | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland Heerka Qabyaalda Iyo Daneysiga W/Q: Maxamuud Xeef
October 31, 2017 - Written by Reporter:

Gabayaagii ku suntanaa qabyaalad naceyka iyo sidoo kale in qabyaaladu aanay wax faa’ido ah lahayn wuxu yidhi Cabdilaahi Suldaan Tima

xeefo(29)

 

Waa xilli ay qabyaaladu marayso meeshii ugu sareysay waxaana wax kasta ka horeeya qabiilka sida khaldan loo adeegsaday iyada oo qofkii wax yaqaanay ee aqoonta lahaa uu yahay kan koobaad ee xaabada u shidaayaa nidaamka qabiilaysan ee sad bursiga iyo duudsiinta qabiilada kale oo ay doonayaan in qabiilkooduu uu nqodo midka ugu horeeya, arimahan iyo kuwo kale oo badan ayeynu is dul taagi doonaa si aynu uga bixino sharxaad koobaan iyo saameynta ka dhalan karta.

Gabayaagii ku suntanaa qabyaalad naceyka iyo sidoo kale in qabyaaladu aanay wax faa’ido ah lahayn wuxu yidhi Cabdilaahi Suldaan Tima Cade “ Dugsi Ma Leh Qabyaaldi Waxay Dumiso Mooyaane”, haddaba arintani waxay uga dhigan tahay kuwa ku ceesha qabyaalada in wax ay dhisayaan ee ah maxsuulka qabyaalada ay maalin uun dumi doonaan oo aanay weliba noqon diinin wax loo aayo ama la manaafacaad sado.

Haddaba intaa ka dib maanta waxa Somaliland ku badan danaystayaasha oo garab siiya kuwo aan lexo jeclo ka haynin dadka iyo dalka kuwaas oo isugu jira siyaasiyiin, ganacsato iyo weliba kooxo aan is muujin weli oo ka baqdin qaba in ay la kulmaan waxyaabo la mid ah sidii kuwii dhacay ee ay ka mid ahaayeen urur diimeedyadii lagaga dhawaaqay gudaha dalka.

Daneyste waa qof dulin ah oo cabaaya si muuqata iyo si qarsoonba dhiiga iyo dheecaanka dadka, waxaanu noqon kara dhamaan kooxahaas kala duwan ee aynu kor ku xusnay, balse daneyste kalkaal isna wuxu noqon karaa qof la dhacsan aragtida, nidaamka iyo qorshayaasha khaldan ee daneystaha oo mijo xaabin kara hanaanka iyo qiyamka umadeed oo ka eeganaya dhinaciisa oo keliya isaga oo ka tagaya ama isdiidsiinaya xaqa iyo wajibka muwaadinimo kana doorbidaya dantiisa khaaska ah.

Ugu danbeyn, daneyste ma jirayo isaga oo aan ku tiirsanayeyn daneyste kalkaal, waana in dhinac looga soo wada jeesto qofka qaranimada qabiil iyo qarasha dhaafsanaya inaga oo ku jirna xilli aad u xaas-xaasi ah oo doorasho iyo olole ka horeeya.

Mahadsandiin

Maxamuud Xeef

mohamoud.heef@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS