|
|||||
WAJAALE NEWS
Sideed Dumar Ah Oo Qoys Kaliya Ka Soo Wada Jeeda Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika
October 5, 2017 - Written by Reporter:Hargaysa(W,N) –Sideed dumar ah oo ka soo wada jeeda hal qoys ayaa lagu toogtay gurigooda oo ku yaala dalka Koonfur Africa sida ay sheegeen booliiska, iyadoo dhinaca kalana kooxda weerarka geystay dab qabsiiyeen guriga. Lix ka mid ah dadka la dilay ayay da’doodu u dhaxeysay Sadex sano ilaa 18 sano jir, halka labada ruux kale ee soo hadhay ahaayeen Dumar da’ahaan ka weyn Lixda kale. Dilalka ayaa dhacay habeenkii Salaasada ee tuulada Embangweni Waqooyi galbeed ee dekadda magaalada Durban, ee gobolka Bari ee KwaZulu-Natal. “Waxaa naloo sheegay in markii hore dad la daris ah qoyskan maqleen rasaas, kadibna dab la qabadsiiyay guriga ” ayuu yidhi afhayeen u hadlay booliiska oo lagu magacaabo Thembeka Mbhele. Sideeda ruux ee la dilay ayaa todobo ka mid ah la sheegay in ay ku dhinteen isla goobta, halka Ilmo yarna uu markii danbe ku dhintay Cisbitaalka. Lama oga ilaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee dilkan ka danbeysa, hasse ahaatee booliiska ayaa sheegay in uu socdo baadhitaan arrintan la xidhiidha. Related posts:Gudoomiyaha Jaamacada ALPHA Oo Tacsi Udiray Qoyski Iyo Bahda Warbaahintaba Geeridii Marxuum AXMED XA... Boqor Cismaan Buurmadow Oo Sheegay In Aanu Somaliya Ujoogin Midnimo, Balse Uu Ujooga Dawlada Somalil... DAAWO;-Wasiirkii Hore Ee W, Warshadaha Jsl Oo Si Adag Uga Horyimid Xeerka Golaha Wakiiladu Ansixiye... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|