Shirkii Baarlamannada Dalalka Carbeed Oo Ka Furmay Khartuum | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkii Baarlamannada Dalalka Carbeed Oo Ka Furmay Khartuum
October 31, 2017 - Written by Reporter:

Khartoum,(W,N) -Shirkan oo uu maanta si rasmi ah u daahfuray madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa waxaa ka qeybgalay gudoomiyeyaasha baarlamannada dalalka Carbeed oo uu kamid yahay gudoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Mudane Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari, iyo mudneyaal ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ee xubnaha ka ah Baarlamanka carabta.

 

20171031636450372956830168DSCN0185
Sida uu sheegay Madaxweynaha dalka Suudaan, Shirkan oo ajandeyaasha looga hadli doono ay kamid yihiin xaaladaha dalalka Yemen iyo Falastiin iyo sidoo kale cunaqabateyntii dhanka dhaqaalaha ee dhawaan laga qaaday dalka Sudan, arimo ku saabsan dhaqaalaha iyo siyaasadda dalalka Carabta.

Xildhibaan Max’ed Xaaji Geelle oo kamid ah afarta xubnood ee xildhibaannada golaha shacabka dowladda Soomaaliya u matala baarlamanada carabta ayaa sheegay in shirkani muhiimad gaar ah uu u leeyahay Soomaaliya.

 

20171031636450372845419620DSCN0180 20171031636450372754182842DSCN0178-1

Shirka ayaa inta uu socdo waxa ay madaxdu ka doodi doonaan ajendayaasha shirka, ayadoo sidoo kale ay jiri doonaan kulamo gooni gooni ah oo ay yeelan doono gudoomiyeyaasha baarlamannada dalalka Carbeed ee uu shirka uga socdo dalkaasi Suudaan.

COMMENTS
LINKS