Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Magaalada Kalabaydh Oo Sababay Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Magaalada Kalabaydh Oo Sababay Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac
October 8, 2017 - Written by Reporter:

Kalabaydh,(W,N)-DAAWO: Afar qof ayaa Ku dhintay, lix kalena waxa ka Soo gaadhay Dhaawacyo, Shil Gaadhi oo maanta  ka dhacay wadada u dhaxaysa Magaalooyinka Gabiley iyo Kala-baydh,kaasoo ka dhashay isku dhac laba  Gaadhi oo kala ah nooca loo yaqaano Noah iyo layli calaawi.

Saraakiisha Caafimaadka ee Gobolka Gabiley ayaa xaqiijiyey in Cisbitaalka Magaalada Gabiley la  Soo gaadhsiiyey dadka ku dhaawacmay Shilkaas, kuwii ku dhintayna lagu aasay Magaalada Kala-baydh.

COMMENTS
LINKS