Shaqaalaha Wasaarada Hawlaha Guud Oo Aan Wax Guno ah Qaadan Mudo Labo Bilood Ah Iyo Cabashooyinka Taagan Wasaarada. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shaqaalaha Wasaarada Hawlaha Guud Oo Aan Wax Guno ah Qaadan Mudo Labo Bilood Ah Iyo Cabashooyinka Taagan Wasaarada.
October 1, 2017 - Written by Reporter:

Hargaysa (W,N) -Shaqaalaha Wasaarada hawlaha guud iyo guryaynta Somaliland ayaa cabasho xoogan ka muujiyay bishii labaad oo aanay qaadan wax guno ah,iyaga oo sheegay in wasiirka wasaarada Hawlaha guud iyo guriyaynta Somaliland Cali Mareexaan uu si badheedh ah jeebka ugu shubtay lacag guno ahayd oo lasiin jiray shaqaalaha wasaaradaas isaga oo dhambalay mushaharka shaqaalahan qiyaasitii 300,000/ssh  qofkiiba  oo guno ahaan loo siin jiray shaqaalaha wasaarada taas oo uu gunadan hore ugu jideeyay shaqaalaha wasiirkii ka horeeyay ee C/risaaq Khaliif, gunadan oo kabniin u ahayd shaqaalaha wasaaradan oo ka mid ah shaqaalaha ugu mushaharka yar marka loo eego wasaaradaha dawlada.

 

xamse jirde

 

 

Sida ay xogahani ku heshay  shabakada wararka ee Wajaalenews oo u kuur gashay  xaaladaha ku gadaaman wasaaradaas  Shaqaalahan ka hawgala wasaarada hawlaha guud ayaa maalmahanba gadoodsanaa iyaga oo kaga cawday wasiir Cali Mareexaan in uu xafiiskiisa dhigay afar askari oo aanay mudo sanad ahba indho saarin wasiirkooga uu u magacaabay madaxwayne Silaanyo.

Dhinaca kale wasiir Cali Mareexaan ayaa tan iyo mudadii uu joogay wasaaradan waxa daris la noqday shaqaalaha wasaaradan eex ay sal u tahay qaraabo kiil isaga oo dad gaar ah oo ay hayb wadaagaan kooto ugu xidhay Agaasime waaxeed ay hayb wadaagaan oo ah agaasimaha waaxda gaadiidka oo isaguna si toos ah jeebka ugu shubta lacagta kala wareejinta gaadiidka oo ah lacag dhan 10$ oo lacagta maraykanka ah iyo sidoo kale lacag  dhan 100000/ssh oo laga qaado dadka liisanka wadista baabuurta u doonta wasaarada hawlaha guud oo iyadu qaabilsan bixinta liisankaas,waxaana dhamaanba lacagahaasi oo loogu talo galay dakhliga wasaaradu si sharci daro ah ugu dhacaan agaasime waaxeedka gaadiidka oo ay isku raas yihiin wasiir Cali Mareexaan.

 

 

WARIYE XAMSE JIRDE AXMED

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS