Saldhiga Ciidan Ee Turkigu Muqdisho Ka Furtay Yaa Ka Faa,iidaya Ma Dhinac Mise Laba DhinacW/Q: Maxamed Hagi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Saldhiga Ciidan Ee Turkigu Muqdisho Ka Furtay Yaa Ka Faa,iidaya Ma Dhinac Mise Laba DhinacW/Q: Maxamed Hagi
October 1, 2017 - Written by Reporter:

Dalka Turkigu waxa uu saldhigga ugu weyn ee ciidan dalkiisa ahi yeesho ka furtay magaalada Muqdisho maalintii shalay ahayd. Xaddiga lacageed ee uu ku kacay saldhiggu waxa la gu qiyaasay in ay dhan tahay $50,000,000. Waxa kale oo dawladda Xamar caddaysay in la gu tobabari doono ciidan Soomaali ah oo gaadhaya 10,000 oo askari.

 

hagi

 

 

Waxa ay iyana dawladda Turkigu ay uga markhaati kacday dawladda Xamar in saldhigga ciidan uu ka caawin doono Soomaaliya helista ciidan tayo leh oo ku filnaada ilaalinta amniga iyo difaaca dalkooda. Marka la ga yimaad, weedhaha yiddidiilada ah ee labada dhinac ay isku waydaarsadeen furista saldhigga Turkiga ee Muqdisho. Bal aan aqoonta iyo garashada siyaasadda la kaashanno waxa ka dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Fahamka noocan ahi waxa uu innagu beegayaa in aynnu jawaabo sax ah oo maangal ah ku oddorosno sheegashada labada dhinac ee ah in Turkigu Soomaaliya u faa’idaynayo oo uu walaalnimo kaalmaynayo – sida uu ku doodayo Ra’isal-Wasaare Khayre iyo hoggaanka ciidanka Turkiga Hulusi Akar, iyo in dhanka kale – saldhiggaa ciidan uu noqon doono hal bacaad la gu lisay oo hal dhinac oo Turkiga ahi faa’idadiisa musaqbal uu ku keliyeysan doono .

Turkiga cusubi waxa uu Soomaaliyada cusub yimi 2011 goor ay Soomaaliya abaaro iyo macaluul aad u faro-weyni dul hoganeysay oo baahida aadane ay dhuuxa iyo lafaha jabisay. Wakhtigaa dhegaha Soomaalida reer Soomaaliya wax hoo aan ahayn ma ay dhawaaq dhegaysaneyn. Wakhtigaa dayacu jiray ayuu Turkigu ka faa’idaystay Soomaali! U ma uu faa’idayn Soomaali oo iyadu sidaa u haysata – waase uu ka faa’idaystay oo uu khariirad siyaasi ah ku dul jeexday!

Gargaarkaa Turkiga oo la gu sheegay in uu dhammaa $200,000,000, waxa uu Turkigu raaciyey 2012 heshiis la magac baxay ‘The Enforcement Pact’ oo dhanka ciidanka ah. Waana kan sababay in Turkigu saldhigga ciidan ee ugu weyn ka furto Muqdisho. Heshiiskaa laftiisa waxa uu Turkigu ballanqaaday in uu ciidanka Soomaaliya tobabarro siin doono dhinacyada cirka, dhulka iyo badda intaba.

Ogow marka dal saldhig ciidan oo noqonaya kiisa ugu weyn amma ugu horreeya ee adduunka uu furanayo, waxa dalka uu ka saldhigga ka dhisanayaa ka qaataa lacag toban jeer ka badan tan saldhigyada caadiga ah la ga qaato. Sababtuna waa in baahida dalka ciidan jimicsanaya loo ga faa’idaysto dhaqaale ahaan. Nasiib-darro-se Soomaaliya ammuurtaa waa ay ka indho iyo dhego la’ dahay – waxana ay u ciil qabtaa cid shilimo hoo tidhaa aan xisaab celin lahayn si loo boobo. Ummad ba’daay yaa ku leh?

Intaa kuma uu san joogin e, waxa uu sannadkii xigay ee 2013 la galay heshiis dhanka dekedda Muqdisho ah – isaga oo dabada ka riixaya shirkad Turki ah oo la yidhaa Al-Bayrak si ay labaatan sano u maamusho dekedda. Waxana lagu heshiisyey in 55% dakhliga dekedda ka soo xerooda la siiyo dawladda Xamar halka 45% kale uu Turkigu qaadanayo. Sidoo kale madaarkii Muqdisho ayaa isna waxa la wareegtay shirkad Turkiga ah oo dawli ah oo la yidhaa Favori LLC.

Sida dawladda Turkigu ay miisaaniyaddeeda ka warrineyso, dalka Soomaaliya dhaqaale aad u badan ayaa Turki ka soo gala, waxana uu noqday dalka shanaad ee uu alaabta ugu badan kala soo dego adduunyada. Alaabtaa la ga la soo degaa waxa ay tahay si waafi ah loo ma caddayn – sidoo kale cid la xisaabtami karta Turki oo Soomaaliya joogtaana ma jirto – waayo waa hore ayuu qalbiga iyo maankaba ka xaday isaga oo ka faa’idaysanaya qoqobka iyo gaajada Soomaalida dhex taal.

Ammuurta ciidanka iyo tobabarkiisa suuro-galnimadeeda waa uu ogyahay in aaney munaasib ahayn. Waayo dalalka jaarka ah oo uu cilaaqaad fiican la leeyahay ayaan kalsooni ku qabin in ciidan danbe Soomaaliya loo dhiso. Isaga oo taa dhawraya – afka oo uu ka yidhaa ciidan ayaan dhisayaa iyo waxoogaa dhoolla-tus ah oo uu saraakiil darajooyin ugu soo talo marka la ga yimaad -Turki sinaba ugu suuro-galimayso isna diyaar u ma aha ciidan cid ka raalli ahi aaney jirin oo Soomaali qudheedu ay ku kala qaybsan tahay in uu Muqdisho ka dhiso.

Dhanka kale golaha amniga ee qaramada midoobay waxa ay Soomaaliya u xaqiijiyeen in wakhtigan aan la ga taageerayn dhisme ciidan – laakiin taa beddelkeeda ciidamada AMISOM dhaqaalaha loo kordhin doono si ay dawladda u ilaaliyaan dalkana dimuqraaddiyad u gaadhsiiyaan. Waayo dalalka Reer Galbeedka oo ah kuwa Soomaaliya dhanka amniga ka taageera marnaba ma rumaysna in ciidan Soomaaliyeed uu dimuqraaddiyad Soomaaliya oo Federaal ah ka hir-gelin karo

Sidaa darteed, saldhigga ciidan ee Turkigu furay waxa uu noqon doonaa mid keliya u adeega danaha Turkiga ee mandaqadda. Waxa kale oo uu aad uga faa’idi doonaa helista khayraad badan oo aan cidna kula xisaabtamin – isaga oo aan waa Turkiga e, marnaba ilaawayn tobabar macno-darro ah oo dadka Soomaalida ah la gu suuxiyo si ay u moodaan in ciidan amni u ilaalinaya iyo dawladnimo danbe u soo socoto.

 

Qalinkii: Mohamed Hagi Mohamoud

 

COMMENTS
LINKS