Safiirkii Maraykanka U Fadhiyay Soomaaliya Oo Is Casiley | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Safiirkii Maraykanka U Fadhiyay Soomaaliya Oo Is Casiley
October 6, 2017 - Written by Reporter:

Washigton,(W,N) – Safiirkii Maraykanka u qaabilsanaa Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa is casilay, sida ay xaqiijisay Safaaradda Mareykanka.

 

2017106636428898104126173sfiir

 

Warar lagu qoray baraha Twitterka ayaa lagu sheegay inuu is casilay Mr Schwartz, waxaana is casilaadiisa lagu sababeeyay sababo shaqsiyeed.

Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa u xaqiijiyay VOA-da is casilaadda safiirka, isagoo sheegay in iscasilaadiisa la soo gaadhsiiyay laba maalmood ka hor.

Iscasilaada safiirka Maraykanka ee dalka Soomaaliya ayaa ku soo beegantay xilli khilaaf uu ka dhex jiro dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo Maamul goboleedyada,balse lama oga inay saamayn ku leedahay is casilaadiisu.

Stephen Schwartz safiirkii hore ee Soomaaliya ayaa loo dhaariyay xilkaan bartamihii sanadkii hore ee 2016,waxaana haatan si kumeel gaadh ah u hayn doona xilkiisa ku xigeenkiisa.

 

COMMENTS
LINKS