Safiirka Somaliland Ee Itoobiya Oo Ka Hadlay Dab Qabsaday Xarunta Safaarada Ee Addis-Ababa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Safiirka Somaliland Ee Itoobiya Oo Ka Hadlay Dab Qabsaday Xarunta Safaarada Ee Addis-Ababa
October 8, 2017 - Written by Reporter:

Addis.Ababa(W,N)- Xafiiska Somaliland ku leedahay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa xalay abaaro saacadu markay ahyd kow iyo tobankii habeeniimo  qayb ka mid ah uu dab qabsaday.

 

2017108636430516588287073Safaradda Somaliland ee itoobiya

 

Dabka qabsaday dhismaha xafiiskaasi ayaa loo qabtay hal qof, taas oo dawladda Itoobiya baareyso sababta dabkaasi keentay.

Wakiilka Somaliland ku leedahay Itoobiya Amb. Cali Shoombe ayaa si kooban uga hadlay dabkaasi qabsaday xafiiska, islamarkaana ku gaabsaday in la baadhayo sababta dhalisay dabkaasi xafiiska qaybo ka mid ah. Waxaa uu yidhi.”Khasaare sahlan ayaa soo gaadhay xalay  qayb ka mid ah xafiiska safaarada Somaliland ee Addis ababa ka dib markii dab qabsaday, hal qof ayaa loo qabtay, waxaana baadhis ku wada ciidamada booliska iyo dab damiska Itoobiya” ayuu yidhi Amb. Cali Shoombe  wakiilka Somaliland u fadhiya Ethiopia.

 

Somaliland iyo Itoobiya ayaa leh xidhiidh wanaagsan, waxaana ka dhexeeya ganacsi iyo isku socod maalinle ah, taas oo sababtay in labadda dhinac xafiisyo ku kala yeeshaan labadda caasimadood ee Hargeysa iyo Addis Ababa.

 

 

 

COMMENTS
LINKS