Rajadii Xisbiga kulmiye Oo Mar Qudha Is Bedeshay!!! Qalinkii Aadan Deeq, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Rajadii Xisbiga kulmiye Oo Mar Qudha Is Bedeshay!!! Qalinkii Aadan Deeq,
October 2, 2017 - Written by Editor:

Xaaladii siyasada xisbiga kulmiye oo waji kale yeelatay iyadoo aay u weheliso khilaaf xoogan oo xisbiga gudihiisii ka dhex aloosan, iyadoo aanay laba maalmood kasoo wareegin Magacaabidii gudidii ololaha oo 8 xubnood iska casileen.

Waxaa iyana muuqata in dhami gudidii ololaha ee gobolada xisbiga kulmiye uu magaacabay oo noqday kuwo bulshada taageerta xisbiga kulmiye aay aad uga biyo diideen iyagoo ku taamaya in dadyoowgii munaasibka ku ahaa inaanu gudoomiyihu u xulin.

Dhanka kale iyana waxaa jirta in jeegaantii lakala furfuray taaso siyasada xisbiga wadani ay sababtay una weheliso sixir bararka dalka ka taagan iyo faashilka shirkada Dp World ay hoos udhaca u wayn dekeda berbera ku keentay.

Hoos u dhaca muga wayn leh ee xisbiga kulmiye hada sida wayn ula daalaa dhacaayo ayaa run ahaantii ah mid xisbiga gudihiisa iyo xukumada ka imanaaya  arimahaaso ku qotoma dano gaar ah oo wasiiro xukumada ahi kala wataan kuwaaso musharaxa xisbigu dhamaantood ku gacan saydhay oo sababtay kala qubnaanta iyo baylahsanida isku xidhnaanta xisbiga ka muuqata ood arkayso in kooxiba dhinac u socoto iyo war saxaafadeed yada kala duwan ee iniba dhinac u qabanayso.

Saadaasha doorashada oo aad moodo in mar qudhaata aay weji kale yeelatay iyadoo laga deyrinayo rejadii xisbiga kulmiye ee hore loo qabay taaso hadaladii kasoo yeedhay shirkii beelaha biciido iyo madax dhaqameedyada beesha habar jeclo oo shirar hooseedyo isku waafaqay inaanay beeshu xisbina u xidhnayn, taasoo afhayeenka xisbiga kulmiye gaafadhi u afkiisa ka yidhi waa la iga guulaystay.

 

Qalinkii; Aaden Deeq

COMMENTS
LINKS