Qarax Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac Sababay Oo Ka Dhacay Magaalada Bosaaso | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qarax Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac Sababay Oo Ka Dhacay Magaalada Bosaaso
October 24, 2017 - Written by Reporter:

Boosaaso,(W,N) –Inta la hubo qof naftii hure ah ayaa ku geeriyooday qarax maanta duhurkii ka dhacay magaalada Bosaaso ,kaasi oo la doonayay in lala beegsado saldhiga-ga bartamaha ee magaalada Bosaaso.

 

20171024636444307431095527Sawirkaaa

 

Sarkaal ka tirsan laamaha aminga ayaa sheegay in kaliya qaraxan uu ku dhintay qofkii soo maaleegay , isla markaana tira dhowr ah ay ku dhaawacmeen weerarkan oo dhacay xiligii qadada ka dib.

 

Waxa uu sheegay in qofka weerarka gaystay  uu isku soo xidhay walxaha qarxa , isla markaana uu dooonayay in uu gudaha u galo saldhiga , balse askartu ay ka horjoogsadeen in uu gudaha u gudbo.

 

Laamaha danbi baadhista gobolka Bari oo goobta soo gaadhay ayaa sheegay in natiijada baadhista dib laga shaacin doono , iyada oo sawirro goobta laga helay ay muujinayaan in qofka is qarxiyay uu watay gaadhi gacan laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

 

Dadka dhaawacmay ayaa la sheegay in ay isugu jiraan ciidan iyo kuwa ka ag dhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay,waxaana tiradooda guud lagu sheegay in ay gaadhayso afar qof oo dhaawacyo fudud qaba.

 

Ugu danbayn, ma jirto cid sheegatay mas’uuliyad-da weerarkan waxaana uu ku soo beegmayaa, iyada oo Maamul goboleedka Puntland ay dagaal adag kula jirto kooxaha Al-shabaab iyo ISIL oo dhowr jeer weeraro kala duwan ku soo qaaday.

COMMENTS
LINKS