Qabsoomida Doorashada Dalka Kenya Oo Shaki La Galiyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qabsoomida Doorashada Dalka Kenya Oo Shaki La Galiyay
October 18, 2017 - Written by Reporter:

Nairobi,(W,N) – Sarkaal sare oo ka tirsaneyd guddiga doorashada ee Kenya ayaa sheegtay in ay is casishay guddiga, iyaga oo dhinaca kalana shaki galisay in ay dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

 

20171018636438830527643146obkaaa

 

Roselyn Akombe ayaa guddiga ku sheegtay in ay ahaayeen lahaysteyaal siyaasadeed oo aysan waxba isku waafaqi karin ama qaadan karin wax go’aan ah.

Iyada oo ku sugan magaalada New York ayeey Dr Akombe sheegtay in markii ay ku sugnayd Kenya ay xataa u baqday nafteeda kaddib markii ay hanjabaado badan la kulantay.

Raila Odinga oo ah madaxa xisbiga mucaaradka ah ee dalka Kenya ayaa toddobaadkii hore ka hadhay doorashadadii ku celiska ahayd isaga oo sheegay in uusan rumaysnayn in doorasho caddaalad ah ay dhici doonto.

Waxaa soo baxaya shaki weyn oo ku hareereysan in ay dhacdo doorashada ku celiska wakhtigii loo qorsheeyay 26ka bishan October, waxaana jira dhinaca kale cabsi dadku ka qabaan rabashado dhaca haddii aysan doorashadu dhicin wakhtigii loogu talagalay.

COMMENTS
LINKS