Qabanqaabada Soo Dhaweynta Daahir Rayaale iyo Taageeristiisa Waddani Oo Siweyn Loo Dareemayo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qabanqaabada Soo Dhaweynta Daahir Rayaale iyo Taageeristiisa Waddani Oo Siweyn Loo Dareemayo
October 28, 2017 - Written by Reporter:

Hargeysa(W,N)-Qabanqaabada soo dhaweynta Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa, siweyn.looga dareemayaa Caasimada Somaliland ee Hargeysa iyo guud ahaanba Magaalooyinka Waaweyn ee Dalka gaar ahaana Xarunta Gobolka Awdal ee Boorama.

 

201727636220307291794994Daahir Rayaalle.png

Inkastoo, uu marar badan Dalka dib ugu soo noqdey tan iyo intii ka Dambeysay markii uu Xilka Talada Qaranka u Wareejiyey si Sharaf iyo Maamuus leh ee Sanadii 2010kii lagaga Guuleystey Doorashadii Madaxtooyada Daahir Rayaale Kaahin dad badan oo Waagaa Mucaaridada Xukuumadiisa la galey ayaa dib ugu soo noqdey ahmiyada ay u qabaan walow uu isagu Socdaaladiisa si Shakhsi ah ugu soo Guryo noqdey.

Waxa xiligan muuqda in Wakhti Xaadirkan siweyn diirada loogu hayo kusoo gurya noqoshadiisa dalka oouu aaminsan yahey in Dalku isbadel u baahan yahey sidii ay marar badan ku Celcelin jireen Reer Kulmiye Xiligii Xukuuadiisa islamarkaana,laga guntey erayo badan oo dhaxalgal y noqdey Jiritaanka Qaranimada Somaliland dad iyo dal Waxa xiligan Guud ahàanba Shacbiga isabdel doonka ahi siweyn u Xiiseynayaan Soo Dhaweynta iyo Qabanqaabada loogu Jiro kusoo gurya noqoshadiisa dalka.

 

COMMENTS
LINKS