|
|||||
WAJAALE NEWS
Muwaadin Reer Jabuuti ah Oo Cabasho Xoogan ka Muujiyay Guryo Ay Hargaysa ku Lahaayeen Oo Mulkiyado Been Abuura loo Samaystay Iyo Doorka Uu ku Leeyahay Maayarka Soltelco.
October 29, 2017 - Written by Editor:DJABUTI(W.N) Muwaadin Naasir Cabdilaahi Nuur oo ah muwaadin reer Jabuuti ah sidoo kalana u dhashay somaliland ayaa cabasho xoogan ka muujiyay cadaalad darooyin faro badan oo lagula kacay,waxaanu dhibanahan oo warbaahinta u waramay sheegay in xoog lagaga haysto guryo ay kulahaayeen magaalada Hargaysa, isaga oo bedka soo dhigay arimo laf jab ku ah Maamulka Dawlada Hoose ee Caasimada Hargaysa, ka dib sida uu sheegay dhibanahani markii maayarka caasimada Hargaysa mulkiyad been abuur ah uu u sameeyay dad kiro ahaan ugu jiray bakhaaro ay ku leeyihiin Badhtamaha caasimada Hargaysa. Sidoo kale Muwadin Naasir ayaa fashiliyay in shaqsiyaadka degan guryahan kirada ugu jiraa ay ardiyadahan been abuurka ah ee ay sameysteen ay baananka kaga qaateen lacago Faro badan Mr. Naasir ayaa maayarka caasimada Hargaysa C/raxaan Soltelco ku eedeeyay in dhamaan lahaanshaha been abuurka ah ee qaarka mida dadkii markii hore kirada ugu jiray xiligana samaystay ducomentiga been abuurka ah iyagoo mid ka mid ahi uu ku doodayo in laga iibiyay halka qoyska iska leh gurayahan ay ku eedeeyeen maayarka iyo xubno maxkamaduhu in ay ku gacansiinyeen samaysiga waraaqahan sharci darada ah . Dhanka kale cadaalad darada lagula kacay muwadinkan reer jabuuti ayaa waxaa ka hadlay xildhibaano ka mida golaha wakiilada somaliland halka ay dacwadeedana ka galeen looyaro caalamiya oo ka yimid dalka jabuuti iyo sidoo kale qoraal uu safiirka jabuuti ku socod siiyay wasaraada arimaha gudaha somailand kaasi oo ujeedadiisu ahayd sidii xukuumada Somaliland talaabo uga qadi lahayd cadaalad darada Lagula kacay muwaadinkan reer Jabuuti. Hadaba halkan kaga bogo sida loo minguuriyay sharciyada saxda ah ee ay lahaayeen guryahan dhibane Naasir oo ah guryo ay dhaxleen qoyskoogu mudo fog. Guriga 1aad: waxaa ku jira Rashiid Ibraahim Ciise oo ku iibinaya ardiyad qaldan oo numberkeegu yahay j-al/b-47/593, halka guri numberka saxda ah ee Ardiyadu yahay j-al/b-47/598. Guriga. 2aad: waxa hada ku jira Gurigan Naasir C/laahi Nuur, halka uu Ardiyad been abuur ah oo khaldan u samaystay iyo mulkiyad foojariya ninka lagu magacaabo Axmed Cali Xaaji Mohamed numberka j-al/b-47/597,
Guriga. 3 aad: waxaa sifo qaldan ugu jira iyo sidoo kale iib been abuur ah Axmed Cali X. Mohamed oo isaguna u samaystay ardiyado been abuura numberkeeguna uu yahay j-al/b-47/591 oo ku bixiyay cashuuro isagoo lambarka asalkiisu ahaa j-al/b-47/596.
LASOCO QORMADENA DANBE IYO XOGO XASAASIYA WAJAALENEWS DESK DJABUTI OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|