|
|||||
WAJAALE NEWS
Musharraxa Madaxweynaha Ayaan La Hadlaya. W/Q: Cabdiraxmaan Cadami Q-3aad
October 8, 2017 - Written by Reporter:Degmooyinka qaarkood waxay ka kooban yihiin 4 cariish iyo 2 berkadood oo laga cabo, qaar waxay isku jiraan masaafo ah 3km ilaa 5Kmoo qudha.
Baabi’inta degmooyinka tirada beelay Madaxweyneyaashii hore; Marxuum Cigaal iyo mudane Daahir Riyaale waxay magacaabeen degmooyin tiro badan oo aan loo baahnayn, waxa ka daray oo sii biyo dhiciyay Madaxweyne Siilaanyo oo magacaabay tiradii ugu badnayd. Soomaalida Somaliland ayaa waxay hal hays u leeyihiin ‘Timirtii horeba dab loo waa’. Wuxuu gaadhsiiyay 62 degmo: 23 darajada A, B iyo C ah oo laga doorto goleyaal degaan iyo 39 darajada ‘D’ ah oo aan iyaga laga dooran gole degaan; inkasta oo aanu maamul ka jirin haddana wasiirka wasaaradda arrimaha guduhu wuxuu u magacaaba nin hor jooge ah. Madaxweyne Siilaanyo muddadii uu talada hayay dhawrkii biloodba wuxuu magacaaba dhawr degmo oo cusub walina way socdaan. Degmooyinka qaarkood waxay ka kooban yihiin 4 cariish iyo 2 berkadood oo laga cabo, qaar waxay isku jiraan masaafo ah 3km ilaa 5Kmoo qudha; wax adeeg ahi kama jiraan, dad loo adeeggana ma joogo. Haddaba musharrax haddii guushu ku raacdo oo aad ku talo jirto dhismaha maamul wanaagsan iyo degmooyin shaqeeya iyo in la kala xadeeyo degmooyinka iyo gobollada si loo helo deegaan (Constituency) la xisaabtami kara ragga iyo dumarka laga soo doorto. Waxa loo baahan yahay geesinimo iyo amar aad ku baabi’iso degmooyinkan lays dul saar-saaray ee aan buuxin Karin shuruudihii looga baahna. Mudane musharrax waxa loo baahan yahay in aad umadda maqashiiso doorashada ka hor. Degmadii reer Hebel baa la diidan yahay waa in aanay ka weecin waxa aad dan mooddo iyo maslaxadda guud ee dalka. Sixidda Waxbarashada Khayraadka waddan kasta waxa xagga hore kaga jira oo uu ku xisaabtama cududda dadkiisa, hase ahaatee waxtarkooda ama wax soo saarkoodu wuxuu ku xidhan yahay heerka tayada waxbarashada dalkaa. Inaga Somaliland maamulka Madaxweyne Siilaanyo ma daneeyo tayada waxbarashada, wuxuu ka jecel yahay tiro badan oo aan tayo lahayn oo xukumaddu ku faanto. Qof haddii mar la caammeeyo mar labaadka wuu ka digtoonan kara, laakiin, qofku hadduu isagu is caamaynayo marka dawo ma laha, sidaa waxa ka dhigan xukuumadda Somaliland oo ku fashilantay siyaasaddii waxbarashada oo wali iyaga oo og haddana la soo taaggan in ay guul ka gaadheen. Musharraxa doorashada ku guulaysta waxa laga sugaya in uu saxo nidaamka waxbarashada dalka oo tayadeedu aad u liidato iyo in qiimayn lagu sameeyo 30-ka jaamacadood oo inta badani magac u yaal tahay oo ka fog in ay buuxiyaan shuruudihii loo baahna, sidaas oo kale waxa iyana fiiro gaar ah u baahan dugsiyada gaarka loo leeyahay oo qaarkood ka dhego adaygeen in ay u hoggaansamaan siyaasadda waxbarashada dalka. Caafimaadka Cisbitaallada dawladdu tayo iyo tiro ahaanba ma dabooli karaan, kumana filna baahida caafimaad ee bulshada oo tiradoodu sii kordhayso, sidaa daraadeed magaalo kasta oo Somaliland ah gaar ahaan caasimadda waxa laga furay goobo caafimaad oo gaar loo leeyahay hase ahaatee adeegga ay bixiyaan sidaa uma tayo badna, islamarkaa dadweynuhu ma goyn karaan oo waa ku qaali marka loo eego dakhliga soo gala sidaa awgeed 60% ilaa 70% waxay iskala nool yihiin xanuunka ama waxay kula tacaalan xarumaha cilaajka iyo dhakhtarrada jimanka iyo kuwa sixirka saara(witch doctors) oo ay nafta ku maaweeliyaan. Haddaba Madaxweynaha iyo xukumadda uu dhisi doono waxa looga fadhiya in isbedel iyo dib u habayn balaadhan lagu sameeyo ‘Sector’-ka caafimaadka si loo helo daryeel caafimaad oo tayo leh oo dadweynuhuna dhammaantood awoodi karo iyo in la gaadhsiiyo meelo intii hore ka badan ama ka durugsan. La Soco qaybta 4-aad W/Q Cabdiraxmaan Cadami Abdirahmanadami22@gmail.com
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|