Maydad Ku Aasnaa Xabaalaha Naasa Hablood Ee Bariga Hargeysa Oo Dibada Loo Soo Saaray Iyo Mooganaanta Xukuumadda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maydad Ku Aasnaa Xabaalaha Naasa Hablood Ee Bariga Hargeysa Oo Dibada Loo Soo Saaray Iyo Mooganaanta Xukuumadda
October 28, 2017 - Written by Reporter:

Hargeysa(W,N)-Warar maalmihii u danbeeyey soo if baxayay oo ah dhacdo xanuun badan ayaa waxay sheegayaan in dabada loo soo saaray maydadkii ku aasnaa xaabalaha bariga magaalada Hargeysa ee Naaso-hablood,kuwaas oo inta xabaalihii dib loo qoday laga soo saaray lafaha maydadkii ku aasnaa xabaalahaasi.

 

breaking-News3

Waxaana lafaha maydadkan dibada loo soo saaray qaar kood ay ahaayeen kuwo la gubay,intaasi ka dibna lagu aasay ciid yar oo dul saran xabaalaha,waxaana lafahan soo arkay isla markaana xaqiijiyay dad shalay soo arkay oo xabaalaha Naasa Hablood kusoo aasayay marxuun geeriyooday Allah ha naxariiste.

Dhacdadan naxdina badan ayaa la sheegay inay laga filayo in ay arrinkan ku talaabsadeen raga Xabaalo Qodka ah ee ka shaqaysta qodista xabaalaha isla markaana iibiya,waxaana la sheegay in xabaalahan laga soo saaray maydadka ay hadaba dib uga iibinayaan marxuumiinta kale ee geeriyooda,laguna aasayo xabaalahan.

Hore ayay dhacdadan oo kale uga dhacday magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Xukuumadda Somaliland ayaan arrinkan war ka ahayn,iyada oo dhacdadani ay tahay mid ugub ah,waxaana isha lagu wada hayaa talaabada ay xukuumadu ka qaado arrinkan.

 

 

 

COMMENTS
LINKS