|
|||||
WAJAALE NEWS
Mataano Madaxa Iskaga Dhegganaa Oo La Kala Fujiyey Kadib Qaliin Lagu Sameeyay
October 27, 2017 - Written by Reporter:Delhi,(W,N)-Dhakhaatiir joogta caasimadda India ee Delhi ayaa kala fujiyey laba wiil oo madaxa isaga dhegganaa.
Ilmaha oo ah laba jirro la kala yidhaahdo Jaga iyo Kalia ayaa lagu sameeyey qalliin qaatay 16 saacadood, waxayna iminka ku jiraan qaybta dadka u baahan daryeelka aadka u sarreeya, sida ay dhakhaatiirtu sheegeen. Koox dhakhaatiir ah oo 30 ka kooban ayaa qalliinka sameeyey, waana kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee lagu sameeyo Cisbitaal ay dawladdu maamusho. Wiilasha waxaa ka dhaxeeyey xididdada dhiigga iyo xuubka maskaxda, waana xaalad dhif iyo naadir ah oo lagu arko mid ka mid ah seddexdii malyan ee ilmood ee dhasha.
Agaasimaha machadka caafimaadka Sayniska ee India, Randeep Guleria, ayaa u sheegay Press Trust of India in “18-ka maalmood ee soo socda ay muhiim u yihiin xaqiijinta guusha qallinkaas”. Mataanahan oo ka soo jeeda tuulo ku taalla gobolka bariga ee Orisa, ayaa isaga dhagganaa madaxa – xaalad luqadda cilmi sayniska lagu yidhaahdo craniopagus. Xataa ka hor qalliinka waxay ka soo gudbeen marxalado adag. Carruurta sidaas ayagoo iskugu dheggan dhasha ayaa 50% dhinta 24 saac gudahood sida ay dhakhaatiirtu sheegeen. “Labada ilmoodba waxay qabaan xanuunno kale. Jaga wuxuu ka xanuunsanayaa wadnaha, Kalia-na kelyaha” ayuu yidhi Dr A K Mahapatra oo ku takhasusay cudurrada ku dhaca maskaxda., Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in caqabadda shaqadooda ka hor timid ay tahay “sidii loo heli lahaa maqaar lagu daboolo labada dhinac ee maskaxda labada ilmood, ayadoo qalliinku sababay daloollo waaweyn oo madaxyadooda ka samaysmay”. “Haddii mataanaha ay qalliinka ka kacaan, tallaabada xigta waxay noqonaysaa in dib u dhis lagu sameeyo lafaha madaxyadooda” sidaa waxaa yidhi Maneesh Singhal oo ah dhakhtar yaqaanna qalliinka balaastigga. Qalliinkii ugu horreeyey waxaa la sameeyey 28 Augst, markaasoo dhakhaatiirtu ay abuureen xididdo marinno kale kale maraya oo aan ahayn kuwii ka dhaxeeyey, kuwaasoo dhiigga ka keenaya maskaxda, kuna soo celinaya wadnaha.
Wariye: Xamse Jirde Wajaalenews.net Hargaysa Office
Related posts:Madasha Wada Tashig Oo Soo Dhaweyse Heshiiski Saddexda Xisbi Ku Gaadheen In Dooda Qaran Lagu Wareeji... Madaxwayne Siilaanyo Oo Ka Hor Intii Aanu Waftigiisu Ka soo Kicitimin Magaalada Gabilay Loo sii Xidh... Wefti Ka Socda Jabuuti Iyo Shirkad Holland Laga Leeyahay Oo Saylac Ka Ururiyey Macluumaad Iyo Dareen... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|