|
|||||
WAJAALE NEWS
Maraykanka Oo Cunaqabateyntii Saarnayd Ka Qaaday Sudan
October 7, 2017 - Written by Reporter:Hargaysa(W,N)-Xukuumada Washington ayaa si rasmi ah u shaacisay in ay ka qaadayso cunoqabatayn dhaqaale oo ay ku soo rogtay dalka Sudan sanadkii 1997dii.
Dowladda Mareykanka ayaa tallaabadan ku tilmaamtay in ay ka dhalatay kaddib markii ay dowlada Sudan qaaday tallaabooyin ay wax uga qabanayso dhibaatooyinka iyo colaadaha ka jira qeybo ka mid ah dalkeeda. War ay soo saartay afhayeenka Wasaarada Arrimaha dibada Mareykanka Heather Nauert ayaa lagu sheegay in cunoqabataynta si rasmi ah loo qaadi doono 12ka bishan Octobar 2017. Laakiin dhinaca kale Sudan ayaa weli ka sii mid ahaan doono wadamada ay dowlada Mareykanka u aqoonsan tahay in ay caawiyaan argagaxisada sidaa darteedna cunoqabataynta hubka lagama qaadi doono dalka Sudan. Related posts:Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Mawqifkeeda Doorashada Somaliya Iyo Fariinta Ay Udirtay Beesha C... Kulan Balaadhan Oo Ay Isugu Yimaadeen Xubnaha Xisbiga UCID ee Uk Kuna Sagootinayeen Amina Adan Oo ka... Halkan Ka Daawo Boobe Yuusuf Ducaale Oo Markii Ugu Horysay Luuqad Adag Kula Hadlay Madaxwayne Siilan... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|