|
|||||
WAJAALE NEWS
Magaalada Berbera Oo la Ceeryoontey Dad Uu Xisbiga Kulmiye kaga Soo Daad Gureeyay Magaalooyinka Waaweyn Iyo Tuulooyinka Gobolka Saaxil,
October 30, 2017 - Written by Editor:Berbera (WJN)-Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil ayaa, dad la ceeryoontey ilaa galinkii dambe ee maanta kadib markii Xisbi Xaakimka Kulmiye, kasoo daad gureeyay qeybo badan oo kamid ah taageerayaashiisa Magaalooyinka Waaweyn ee Hargeysa,Burco,Sheekh,Dacarbudhuq iyo guud ahaanba Tuulooyinka Gobolka Saaxil inta badan halkaas oo ay kaga qeyb galayaan Maalinta barito ee Salaasada dhoolatuska Xisbiga Kulmiye maalintiisa ololaha ku qabanayo Berbera oo uu kala soo qeyb gali doono Murrashaxa Kulmiye Muuse Biixi oo isagu galinkii dambe ku caraabey halkaasi.
Daad gureynta Taageerayaasha Kulmiye ee Magaalooyinka iyo Tuulooyinka aynu xusney loogu soo daad gureeyay Magaala Xeebeeda Berbera ayaa ka dhalatey hinaase Xisbiga Kulmiye ka muujiyey Axadii shaley oo dhoolatus balaadhan ay kusoo dhaweeyeen Taageerayaasha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Murashaxa jagadda Madaxweyne ee Xisbigaasi Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro) iyo Wafti balaadhan oo uu hogaaminayey taas oo sida Kulmiye uga xanaaqey shaley galinkii dambe siweyn looga dareemayay Magaalada Berbera islamarkaana, uu Warbaahinta catawgeeda ka gudbiyey Xoghayaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Mustafe-waxdad waxaaney Kulmiye u isticmaaleen daabulista taageerayaashooda laga soo gurey Tuulooyinka Gobolka Saaxil iyo Magaalooyinka waaweyn kharash fara badan oo laga isticmaaley khasnada D/hoose ee Gabiley,Hargeysa,iyo Berbera waxaana guud ahaanba laga dareemayaa Berbera in shacbiga Reer Berbera lagu cidhiidhyey Huteeladii iyo guud ahaanba tukaameysigii kale. Ilaa iyo hadda lama oga goobaha la seexinayo Caawa tirade dadkaasi faraha badan ee galinkii dambe ee maanta lagu daad gureeyay Gudaha Magaala xeebeeda Berbera, inkastoo ay jirtey mudooyinkii dambe walaac Xisbiga Kulmiye ka muujinayey Dhoolatuska ololihiisa ee Magaalooyinka Waaweyn ee Gobolada dalka oo sawirka lagu buuxinayey Guuska camiraada taageerayaashiisa Magaalooyinka kale oo kuwa Caasimada Hargeysa u horeeyaan marka laga daro xataa Magaalada Gabiley oo galinkii dambe ee maalintii Murashaxu kaso noqdey Boorame xataa Tog-Wajaale laga soo camirey.
WAJAALENEWS DESK BERBERA OFFICE Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|