Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Wafti Uu Horkacayo Oo U Ambabaxay dalka Sudan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Wafti Uu Horkacayo Oo U Ambabaxay dalka Sudan
October 4, 2017 - Written by Reporter:

Muqdisho,(W,N) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti uu horkacayo ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyaga oo ku jeeda dalka Sudan.

2017104636426957670798594farmaajodafar.png

Madaxweyne Farmaajo iyo waftiga la socda ayaa u duulay magaalada Khartuum ee caasimada dalka Sudan, waxaana la sheegay in madaxweynuhu casuumad rasmi ah ka helay dhigiisa dalkaas Cumar Xassan Al-Bashiir.

Madaxweynaha ayaa inta uu joogo dalka Suudaan waxaa uu kulamo la qaadan doonaa madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al Bsahiir iyo Madax sare oo katirsan dowladaasi, waxa ayna labada dhinac kawada hadli doonaan xidhiidhka labada dal iyo Arimo kale oo muhiim ah.

Safarka madaxweynaha soomaaliya ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee uu ku tago magaalada Khartuum tan iyo markii madaxweynaha loo doortay 8-dii Febrayo ee sanadkan.

COMMENTS
LINKS