Maayarka Gabiley Oo Isku Soo baxii Maalintii Afraad Ee Ololaha Xisbiga kulmiye Joojiyay Iyo Dareenada ka Dhashay!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maayarka Gabiley Oo Isku Soo baxii Maalintii Afraad Ee Ololaha Xisbiga kulmiye Joojiyay Iyo Dareenada ka Dhashay!!
October 31, 2017 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)   Maalintii Afraad ee Ololaha Doorashada Madaxtooyada ee Xisbiga Kulmiye ulahaa waxaa Gabi ahaanba joogsaday isku soo bixii gudaha Magaalada Gabiley,inkasta oo aan lahayn sobobaha keenay in ay Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee Magaalada Gabiley ay jooijyaan Dhoolo tuskii Wadooyinka iyo Fagaaraha Khayriyada Magaalada Gabiley ka samayn jireen Sadexdii Maalmood ee hore.

maayarka gabiley 1

Iyadoo Dadwaynaha Magaalada Gabiley iswaydiinayaan waxyaabaha Sabobay in Taageerayaashii faraha badnaa ee Xisbiga Kulmiye ee ilaa xalay udiyaar garobayay isku soo baxu ay Gabi-ahaanba joojiyaan  dhoolo tuskii  ay ka samayn jireen Wadooyinka Magaalada Gabiley iyo Fagaaraha Khayriyada,waxaana lagu  war heley in aanay jirin  Dhoolo tuskii Wadooyinka iyo Fagaaraha Khayriyada Magaalada Gabiley ka samayn jireen Sadexdii Maalmood ee hore.

CALAAMADA GABILEY

Ilo Wareedyo ayaa sheegaya in ay sobobtay Amar ka yimid xaga Maayarka Magaalada Maxamed Amiin Cumar Cabdi oo isagu ka door biday in uu ka qayb-galo soo dhawaynta Wasiirkii hore ee Arimaha Dibada Dr,Maxamed Cabdilaahi Cumar oo kasoo dagay saaka Madaarka Cigaal ee Magaalada Hargaysa.

Talaabadan uu ku kacay Maayarka Gabiley ee joojinta dhoolatuska xisbiga ayaa abuurtay dareeno kala duwan oo mudooyinkii udanbeeyay hadal hayntoodu ay bulshada reer Gabiley si hoose iskula dhexmarasay oo la xidhiidha khilaaf huursan oo ka dhexeeya gudida kaabaynka Xisbga Kulmiyee ee Gabiley iyo Maayarka.

Iyadoo Masuuliyiinta Ololaha Doorashada u qaabilsan Magaalada Gabiley ay sidii caadada ahayd bilaabeen Saacadhihii ay bilaabi jireen Ololaha Doorashada Madaxtooyada waxaasea u qaadan waa ku noqotay Taageerayaasha Mayalka Adag in mar qudha Taageerayaashii Xisbiga Kulmiye ay dhagaha ku furaystaan, waxay awoodi waayaan in Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye isku soo bax Balaadhan ka sameeyaan Wadooyinka Magaalada Gabiley iyo Khayriyada .

Dhanka kale maayarka magaalada gabiley ayaa isagu noqday masuul hirdan culus ku haya badi haldoorka Gobolka Gabiley taasi oo uu isagu bilaabay colaada Makarafoonka iyo sidii uu u Colaadin lahaa cidkasta oo iyagu isku daya gudaha Magaalada Gabiley In ay kala hadlaan taageerayaasha Xisbiga Kulmiye taasi oo xiligan laga cabsi qabo in ay sobobta guuldaro ku timada Xisbiga Kulmiye iyo in ay kala fogaansho ku keento bulshada wada degta guud ahaan Gobolka

Waji gabaxan la kulmay Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee Gabiley ayay Dadka Arimaha Ololaha Sadexda Xisbi Qaran sida joogtada ula socdaa ku sheegeen in ay tilmaamayso in ay qayb ka mida lumiyeen Kalsoonidii Bulshada Gabiley u hayeen Murashaxa Madaxwaynaha Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxwayne ku xigeenka  Xisbiga Kulmiye Eng C/raxmaan C/laahi Saylici ..

Si kastaba ha ahaatee ilo Xog ogaal ah ayaa sheegaya in Khilaaf Cakiran oo Maalmahan u danbeeyay ka u dhaxeeyay Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye u qaabilsan Ololaha Doorashada Madaxtooyada iyo Maayar Maxamad Amiin uu sabobay in Gabi ahaanba Maalintii Afraad ee Ololaha ay isku soo baxii Joojiyaan Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee Gabiley.

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS