Maalin Ka Hor Qalinjebinteeda Ayaa La Dilay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maalin Ka Hor Qalinjebinteeda Ayaa La Dilay
October 16, 2017 - Written by Reporter:

Muqdisho,(W,N)-Maryam Cabdullahi waxay ka mid ahayd dadka doonayay in ay ka faa’idaystaan aqoontii ay jaamacadda ka soo heleen.

_98330413_maryama3

 

Anfac Cabdullahi Maxamed oo la dhalatay Maryam ayaa sheegtay, “Lambarkeeda ayaan garaacay, markii koobaad waa la iga qaban waayay, waan ku celiyay, wiil baa iga qabtay, wuxuuna igu yidhi Alle ha u naxariisto gabadhii lambarkan lahayd waa mayd waxayna taallaa hotel ku yaalla Soobe hortiisa.”

“Qoyska aad buu uga murugooday. Aniga waxaa murugada iiga daran waalidkeyga; aabe iyo hooyo. Alle qalbigooda ha u wanaajiyo,” ayay tidhi Anfac Cabdullahi.

“Aaabe wuu soo socday, wuxuu deganaa Britain Maanta ayuu ku soo beegnaa in uu muqdisho ka soo dego, laakiin maysan dhicin in uu nolol ugu imaado ee geerideeda buu ku soo beegmay, gacmihiisa ayuuna ku soo aasay,” ayey hadalkeeda ku dartay Anfac.

 

_98339466_anfacandmaryam

Maryam waxay dhameysay kulliyadda caafimaadka ee jaamacadda Banaadir, xafladda qalinjebinteedana waxay ahayd 15-kii bishan. Balse maalin ka hor xilligii ay shahaadada heli lahayd ayay ku dhimatay qarixii Soobe ee magaalada muqdisho.

“Maryam waxay ahayd qof ku deyasho mudan oo dadaalkeeda iyo howl karnimadeeda ay ku beereen in ay jeclaato waa in ay dadka caawiso,” ayey sheegtay Anfac.

Maryam waxay ka shaqeyneysa cisbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho, waxayna shaqo bilowday intii ay jaamacadda dhiganeysay.

“Waxay qorsheyneysay in ay bilowdo tababar ku saabsan takhasuska Hooyada iyo Dhallaanka iyo qalliinka la xidhiidho. Waxay dooneysay in ay bilowdo ka dib xafladda qalinjebinteeda. waxay ahayd qof hammi leh,” ayey hadalkeeda ku dartay Anfac oo la dhalatay Maryam Cabdullahi.

 

 

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews.net

Hargeisa Office

COMMENTS
LINKS