Loolanka Jagada Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Dib Uga Dhex Curtey Beesha Bariga Burco Iyo Dareenka Kulanadii Ugu Danbeeyay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Loolanka Jagada Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Dib Uga Dhex Curtey Beesha Bariga Burco Iyo Dareenka Kulanadii Ugu Danbeeyay.
October 5, 2017 - Written by Editor:

Burco (WJN)-Inkastoo Waxgaradka Aqoonyahanka Duqeyda iyo Madaxdhaqameedka Beelaha Habarjeclo intooda badani aaminsan yihiin in Murashaxa Kulmiye ee Xiligan Muuse Biixi Cabdi dabadii cida kala Wareegeysa jagada Hogaaminta Xisbiga Kulmiye ay tahey mid khusuusan u qorsheysan Isaga(Murashaxa Kulmiye) balse,hirdan iyo loolan dheer ka dhex abuurtey Beeshaasi islamarkaana, wakhti xaadirkan sabab u ah in Kala qeybsan ku yimaado Midnimadii iyo Wadajirkii Beesha Habarjeclo kaga sad goosan jirtey Maraaxilka Siyaasadeed ee Somaliland.

loolanka kulmiye

Iyadoo dareenka Xafiiltanka Cawil celinta Jagada Gudoomiyanimo ee Xisbiga Kulmiye dib usoo cusboonaatey Furitaankii iyo Xidhitaankii Shirka Beelaha Biciido ee Dooxada Dagaar, waxa dareenka sii xoogeeyay Ka qeybaglka Munaasibadii Caleemo Saarka Suldaanka Beesha Aadan Madoobe ee Burco oo Kulmisey Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed iyo waliba Guud ahaanba Madax dhaqameedka Beesha Bariga Burco oo Salaadiin iyo Boqoraba u dhan yihiin khusuusana Suldaanka Guud ee Beeshaasi  Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali goobjoog ka yahey, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn in Mawduucan Beesha odoyaasheeda iyo Siyaasiyiinta damaca Kursigani mustaqbalka ku xidhani u dhexeeyaa hadana waxa si dhab ah ilaa habeenkii xaley uga socdey Magaalada Burco hadalheynta Arintan iyo dhaqdhaqaaqyada Shirdoceedyada Siyaasadeed ee beesha dhexdeeda oo Siweyn looga dareemayay falanqaha iyo Saadaalinta natiijada qodobkani ku yeelan doono Loolanka Xiligan ee ololaha Xisbiga Kulmiye ugu tartamayo Talada dalka.

Sikasta oo ay arimuhu yihiin waxa aan meesha ka maqneyn in go.aankii Gunaanadka qodobadii lagu soo khatimey Shirkii Dooxada Dagaar dhinac kasta oo Diirada laga Saaro uu Saamayn Taban iyo Mid Toganba ku yeelanayo Ololaha Xisbiga Kukmiye ee Doorashada dhawaan la filayo taas oo laga dareemi karo hadalheynta Laba beelood ee Walaalaha ah Maxamed Abokor iyo Muuse Abokor oo isu sheedaalinaya inaan talo.mideysan laga wada qaadanin damaca Gudoomiyanimada Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi dabadii taas oo iyana macno ahaan u.muuqata in ay qeyb ka tahey ishaafalateysiga Murashaxa Kulmiye Muuse Biixi oo isugu beegayo Xiligan labada Beelood ee ugu Faraha badan Beesha Bariga Burco.

Si uu uga dhiishaa dhaansado Codkooda ay ku galayaan Doorashada soo socota oo uu Wakhtigan ku Raadinayo qaaciidooyin kale haseyeeshee,aanu raali ka aheyn in lagu sad gooyo Wareejinta Gudoomiyaha Xisbiga.

Isku soo Wada duub oo inkastoo ay tahey Mawduuc Xiligan taagan hadana waxa ay qeyb ka noqoneysaa caqabadaha horyaala Murashaxa Kulmiye ee Xodxodashada Beesha Habarjeclo.

 

WAJAALENEWS DESK

WAJAALE STAFF

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS