“Kulmiye Waxa la Gudboon In Uu is ka Baraxo Wax kasta Oo Shaki keeni kara, Waa In Shaqaalaha Dawlada Iyo Aanay Isku Qaldamin Xubnaha Xisbigu”Abwaan Cabdilaahi Xasan Ganey, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Kulmiye Waxa la Gudboon In Uu is ka Baraxo Wax kasta Oo Shaki keeni kara, Waa In Shaqaalaha Dawlada Iyo Aanay Isku Qaldamin Xubnaha Xisbigu”Abwaan Cabdilaahi Xasan Ganey,
October 11, 2017 - Written by Editor:

Abwaan Cabdilaahi Xasan Ganey oo kamida hal abuurka Somaliland ayaa  faiirn muhiim ah udiray shacabka Somaliland xukuumada kulmiye qoraal kooban oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay faceboobga ayaa waxay udhignayd.

Caddaalad ayaa ah Nabada Hooyadeed!

Xukuumada Soomaaliland, Guddida doorashayooinka iyo shacabkaba xilbaa ka saaran in caddaalada la ilaaliyo, oo doorasho xalaal ahi dhacdo!

Kulmiye waxa la Gudboon in uu is ka baraxo wax kasta oo shaki keeni kara. Waa in shaqaalaha dawlada iyo aanay isku qaldamin xubnaha xisbigu.

Shacabka, gaar ahaan waxgaradka waxa ku waajib ah in ay si feejigan ula socdaan habsami u socodka doorashada, si dhan looga soo wada jeesto wixii carqalad noqon kara.

Caddaalad-darro hadday dhacdo, xisbi ku dhicimaysee, waddanka, dadka, iyo nabadda ayay ku dhacaysaa!

Illaahay haka dhigo doorasho nabad iyo habsami u dhacda, kii guulaystana Rabbi xilka haku asturo, oo haka dhigo mid maydha wixii musuq, eex, digtaytar, iyo dagaal loo soo joognay ilaa 1960kii!

 

ABWAAN CABDILAAHI XASAN GANEY

COMMENTS
LINKS