|
|||||
WAJAALE NEWS
Kormeerayaasha Caalamiga Ah Ee Doorashada Somaliland Oo Soo Saaray Go’aamo Ay Sheegeen In Culays Lagu Saaray Si Dhex-dhexaadnimadu U Caddaato
October 18, 2017 - Written by Reporter:Hargeysa(W,N)-Kormeerayaasha caalamiga ah ee loo qorsheeyay inay dusha kala socdaan qaabka ay u qabsoomayso doorashada madaxtooyada Somaliland, ayaa war-murtiyeed ay soo saareen waxa ay ku gaadheen go’aan ay sheegeen in culays lagu saaray oo ah inaan qof guud ahaan ka soo jeeda Isir ahaan Soomaali aanu ka mid noqon gudigooda kormeerka samaynaysa, kaas oo ay sheegeen inay aqbaleen.
War-murtiyeed ay guddidani shalay soo saareen waxa ay sheegeen in go’aankani uu u muuqdo mid aan wanaagsanayn balse culays la saaray darteed ay aqbaleen si ay u muujiyaan dhexdhexaadnimo. Hawlgalkaka Kormeerayaasha Doorashooyin ahaan waxa mar walba aanu walaac ka qabnaa eedaha la xidhiidha Hawlgalka. Iyada oo eedaha aanu aragnay ay yihiin kuwo aan aasaas lahayn oo badan koodu gebi ahaan ba ah kuwo lala yaabo, haddana waxa muhiim ah inaanu noqono gebi ahaanba dhex-dhexaad muuqaal ahaan iyo xaqiiqo ahaanba. Sidaas darteed, waxaanu qaadanay go’aanka adag ah ee ah in kormeerayaasha caalamiga ah lagu daro oo keliya dadka aan wax xidhiidh ah la lahayn dad ka soo jeeda asal ahaan Soomaali. Midkoodna dadka ugu jira liiskayaga inay ka mid noqdaan kormeerayaasha caalamiga ah ma samayn wax uu ku galabsado go’aankan: talaabadan waxa looga dan leeyahay oo keliya si loo xoojiyo dhex-dhexaadnimada buuxda ee cad ee Hawlagalka Kormeerayaasha Caalamiga ah. Waa arrin aad looga murugood in go’aan caynkan oo kale ah ay nagu qasbeen hadalada ay jeediyeen dad ay ahayd inay si ka wanaagsan wax u ogadaan, balse waxa naga go’an inaanu ilaalino hufnaanta Hawlgalka, iyo ka doorashooyinka Somaliland ba. Si taas loo gaadho, waxaanu sii wadi doonaa inaanu si dhow ula sii shaqaynno Gudida Doorashooyinka ee Somaliland iyo dadka aanu wada shaqaynta leenahay.” Related posts:Muj Cali Guray Oo Dhaliilay Safarada Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Uu Dalka kaga baxayo Iyo Shaqada ... DAAWO;-Shirkada Hass Oo Iska Fogaysay Eedaymo Uu UJeediyay Wasiirka Hawlaha Guud,Sheegayna In Ay Sh... “Masar Iyo Itoobiya La Borontansiin Maayo,Itoobiya Waa Dadkeenii Oo Xuduud Ayaynu Wadaagnaa,”Gudoomi... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|