Guurtida Somaliland Oo Fariin Adag U Diray Saddexda Xisbi Qaran
October 17, 2017 - Written by Reporter:
Hargeysa(W,N)-Gudida joogta ah ee golaha guurtida Somaliland oo maanta shir’jaraa’id ku qabtay xarunta aqalka Golaha Guurtida ayaa fariin adag u diray saddexda xisbi qaran ee ku tartamaya jagada madaxtinimada ee dalka.
Waxaaney xisbiyada u soo jeediyeen inaanu kursigu laba masuul wada qaadi Karin ee uu mid uun qaadi karo, islamarkaana loo baahan yahay in kii ku soo baxa loo hanbalyeeyo nabad-galiyadana la ilaaliyo.