Daawo: Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland Oo Ka Hadlay Hanaanka Loo Marayo Anshaxmarinta Cabdikariim Xinif Oo Dacwadiisa Loo Soo Gudbiyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo: Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland Oo Ka Hadlay Hanaanka Loo Marayo Anshaxmarinta Cabdikariim Xinif Oo Dacwadiisa Loo Soo Gudbiyay
October 8, 2017 - Written by Reporter:

Kadib markii ay ii caddaatay in Cabdikariim Axmed Maxamed ku jiro liiska Guddida soo Xulista

 

Tixraac CSC/GDQ/21/2017 Taar 08/10/2017

Ku: Sucaad Ibraahim Cabdi

Guddoomiyaha Guddida Anshaxa JSL =Hargeysa=

Og: Guddida Doorashooyinka Qaranka JSL=Hargeysa=

Og:: Guddoomiyaha/Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye  JSL

Og: Madaxweynaha JSL

Ujeedo: Jawaab Celin Codsi Tallaabo Anshax Marineed

Mudane/Marwo

Aniga oo tixraacaya waraaqda sumaddeedu tahay GA/XGA/007/2017 kuna taariikhsnayd 07/10/2017 ujeeddadeeduna ahayd Tallaabo Anshax oo lagu qaado Cabdikariim Axmed Maxamed.

Kadib markii ay ii caddaatay in Cabdikariim Axmed Maxamed ku jiro liiska Guddida soo Xulista Goob-joogayaasha ee dhawaan Xisbiga Kulmiye magacaabay.

 

Ka dib markii aan tixraacay hannaanka shaqaalenimo ee Cabdikariim Axmed Maxamed isla markaana ay ii caddaatay in uu ku magacaaban yahay wareegto Madaxweyne oo sumaddeedu tahay JSL/M/AID-KA/104-0146/082010 kuna taariikhaysan 16/08/2010.

Ka dib markii aan dib u eegay Xeerka Guddida (Komishanka) Qaranka ee Xakamaynta AIDS-KA XEER LR.67/2014 Qodobkiisa 14aad faqradiisa 1aad oo u dhigan sidan: (Agaasimaha fulinta iyo agaasimeyaasha kale waxaa magacaabaya xilkana ka qaadaya Madaxweynaha) isla markaana xeerku xusay in madaxweynuhu yahay guddoomiyaha hay’adda “AIDS-KA”.

Ka dib markii aan dib u darsay sharciga shaqaalaha dawladda Sharci LAM.7/96 Qodobkiisa 2aad  faqraddiisa 1aad oo xusaya KU-DHAQIDA sharcigan oo tilmaamaya in lagu dhaqayo shaqaalaha joogtada ah ee dawladda (Kuwaas oo ay shaqaaleeyaan guddida hay’adda shaqaalaha dawladda).

Sidaas darteed, waxa aanu go’aansanay; in aanu idinku wargelino in wixii aad abaal marin ama  anshax marin u aragtaan u gudbisaan Madaxweynaha JSL.

Wada Shaqayn Wacan

 

Sharma’arke Axmed Muxumed Geelle

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

COMMENTS
LINKS