|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Oo Digniin U Diray Shaqaalaha Iyo Agaasimeyaasha Guud Ee Dawlada.
October 17, 2017 - Written by Reporter:Hargaysa(W,N)-Kulan balaadhan oo ay maanta isugu yimaadeen guddida sare ee hay’adda shaqaalaha iyo la-taliyeyaashooda sharci ayaa markii uu soo idlaaday waxaa saxaafada la hadlay gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawlada mudane Sharmaake Axmed Muxumed Geelle isagoona dardaaran, dardargalin iyo digniin ba u kala diray guud ahaanba shaqaalaha dawlada kuwaas oo ku aadan bilowga ololaha doorashada ee kaabiga inagu soo haya.
Gudoomiye Sharmaake ayaa xusay in xiligan iyo xaaladanba ay lagama maarmaan tahay in feejignaan iyo fiirodheer ay ku eegayaan guud ahaanba shaqaalaha dawlada si looga ilaaliyo in ay ku milmaam ama xubin fir-fircoon ka noqdaan dhaq-dhaqaaqyada xisbiyada kala duwan ay guclo orodka ugu jiraan hanashada kursiga dalka ugu sareeya taasi oo hadii ay dhacdo qaranka oo dhan ka dhigaysa mid mashquulsan meeshana ay ka baxayaan adeegyo muhiim u ah ummada Gudoomiyaha ayaa shirkiisan jaraa’id ku yidhi “ – Aniga oo tix-raacaya Sharciga shaqaalaha dawladda SHARCI LAM.7/96 Qodobkiisa 6aad faqradii 2aad – Aniga qiimaynaya wareegtadii Madaxweynaha JSL ee sumadeedu ahayd JSL/P/WM/ -50 /092017 Kuwaas oo dhamaantood si cad uga saaraya shaqaalaha dawladu in ay xubin firfircoon ka noqdaan xisbi siyasadeed ama dhaqdhaqaaq siyaasadeed isla markaana banaanka ka dhigaya in ay sinaba ugu milmi karaan siyaasada ayaa waxaan halkan fariin uga dirayaa guud ahaanba shaqaalaha dawlada waxaanan leeyahay Adeege: sinaba looma ogola gododlaynta, laba-gardaaqa iyo laba geed gurashada oo ama waxaad noqon siyaasi u ban baxa hankiisa siyaasiga ah ama adeege umadeed oo dadku u siman yihiin Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha ayaa bayaamiyey hannaanka loo marayo anshax marinta shaqaalaha dawladeed ee arintaas ka baydha waxaanu u kala saaray anshax marin degdeg ah iyo mid digniin ka horayso waxaanu yidhi: 1- Hadii xisbi magacaabo xubin ama lagu helo in uu golaha dhexe ee xisbi ku jiro, si toos ah ayaa shaqada looga saaraya isagoona hal doorasho la siinayo shaqaalaha oo ah “ in uu magacowgaas ku qanacsan yahay iyo in uu rabo in kasii mid ahaado shaqaalaha dawlada” isagoona iska casliyaa markaa kaalinta loo magacaabay 2-Hadii lagu helo qaab kasta oo ololayn ah sida: astaan ama calan xisbi, ka qayb-gal shir daalacan ama mid doceed , waxaa marka hore la siinayaa digniin kaba dambays ah hadii mar kale lagu helana waa shaqo ka saaris Sidoo kale gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha ayaa m arkii ugu horaysay si kulul uga hadlay agaasimeyaasha guud ee dalka isagoona sheegay in agaasimaha guud yahay shaqaale ay tahayna in uu shaqadiisa qaran ku eekaado hadii uu ka soo gudbo xayn-daabkaasna marka hore ay digniin u dirayaan hadi uu kasoo gudbana ay Madaxweyanaha si rasmi ah ugu gudbin doonnaan in uu anshax marin kaga saaro shaqada qaranka Ugu dambayn gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawlada ayaa xusay in si xoog badan ay u fulin doonnaan xeerarka dalka isla markaana balan qaaday in wareegtadii madaxweynuhu aanay dhul u dhacayn ee tallaabooyin ad adag xigi doonnaan Gaba-gabadii gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha ayaa magacaabay guddi uu ugu magac daray “GUDDIDA DABA-GALKA IYO ILAALINTA SHAQAALAHA DAWLADA EE KU MILANKA SIYAASADA” waxaanu u magaacabay: – Cabdikariin Maxamed Daaud “Gudoomiye” – Cabdiqani Saleebaan Jaamac “Xoghaye” – Cumar Xaji Siciid Cabdilaahim “La-taliye” – Iyo gudoomiyhiii hore ee Maxkamada sare ee JSL Mudane Siciid Faarax Axmed Isku soo wada duuboo tallaabadan ayaa noqonaysa midi ugu horaysay ee hay’adda shaqaalaha dawladu si dhiiran u soo saarto isla markaana xayn-daab u noqon doonta shaqaalaha dalwada , qarankana ka dhigi doonta mid aan dhamaantii ku mashquulin doorasho ee nolol maalmeedka adeeg sidiisa u socon karo,w axaanay noqon doona go’aan lagu diirsado Related posts:Daawo:Siciid Cilmi Rooble Oo Soo Jeediyay In Miisaaniyad Sanadeeda 2017 Dib Loogu Celiyo Xukuumada DAAWO -Wasiirkii Hore Ee Madaxtooyada oo ka Hadlay Ciidamo ka Hor Istaagay Shirka Uu ka Qaybgalayay... Daawo: Fanaanada Shakira Oo Noqotay Qofkii Ugu Horeeyay Facebook Ee Boqol Milyan Oo Qof (Likes) Siis... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|