|
|||||
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Kulan Layeeshay Ra’iisal-wasaaradaha Dalka Itoobiya,
October 10, 2017 - Written by Editor:War-saxaafadeed Xisbiga Kulmiye Ra’iisal-wasaaraha dalka Itoobiya Mudane, Hailemariam Desalegn, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha, ahna Murrashaxa Jagada Madaxweynaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo socdaal ku tagay magaalada Addis Ababa ee waddankaasi.. Kulanka dhexmaray Ra’iisal-wasaaradaha Itoobiya iyo Guddoomiyaha, ahna Murrashaxa KULMIYE oo qaatay muddo ilaa saacad ah waxay kaga wadahadleen arrimo kala duwan oo ku saabsan xidhiidhka labada waddan ee Somaliland iyo Itoobiya iyo shucuubtooda, Iskaashiga labada dhinac, xaaladdaha ka jira Gobolka Geeska Afrika waqtigan iyo qodobo kale oo muhiim ah. Qodobada ugu mudan ee Guddoomiye Muuse Biixi iyo Ra’iisal-wasaare Hailemariam kaga wadahadleen kulankaasi waxa ka mid ah;
Guddoomiyaha, ahna Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi waxa kulanka uu la qaatay Ra’iisal-wasaaradaha Itoobiya ku wehelinayey masuuliyiinta kala ah; Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, Siyaasiga Axmed Muumin Seed iyo Safiirka Somaliland ee Itoobiya Md. Cali Salaan Jirde (Cali Shoombe). Guud ahaan kulankaasi waxa uu ku soo gabogaboobay jawi farxad iyo is afgarad ah.
ALLAA MAHAD LEH. Cali Jaamac Maxamed _________________________________ Madaxa Warbaahinta Xisbiga KULMIYE
Related posts:Xisbiga Wadani Oo Wax Lala Yaabo Ku Tilmaamay Bixitaankii Shirkadii Sahaminta Shidaalka Ka Waday Gob... Daawo:Gudoomiyaha W. Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe oo Fariin Hanjabaada Udiray Madaxweyne Siilanyo,Iy... Hoggaamiyayaasha Siyaasadeed Ee Somaliland oo Hambalyo iyo Bogaadin U Diray Raysalwasaaraha Dalka It... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|