Gobollo Ka Tirsan Brazil Oo Afti U Qaadaya Gooni U Goosad. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gobollo Ka Tirsan Brazil Oo Afti U Qaadaya Gooni U Goosad.
October 9, 2017 - Written by Wariye:

brazilHargeisa(WJN):-Gobollo ku yaala koonfurta dalka Brazil ayaa waxaa waxaa looga dareeray afti dadka lagu weeydiinayo in ay dalweynaha Brazil kasii mid ahaadaan, ama ay noqdaan dal cusub oo gooni isu taagay.

Waxaa arrintan soo qabanqaabiyay, hormuudna ka ah koox u ololeynaysa kala go’a, waxayna sheegeen in ay qaati ka taaganyihiin dayacaadda federaalka iyo musuqmaasuqa madaxda ay sameeyaan.

Hoggaamiyaha kooxdan oo lagu magacaabo Mr. Celso Deucher ayaa sheegay in uu rajaynayo in uu soo uruuriyo illaa saddex milyan oo saxiix oo ah dadka taageersan gooni isu taagga.

Mid ka mid ah dadka codadkooda dhiibtay oo lagu magacaabo Acacio Fernandes ayaa warbaahinta u sheegay “dalkeeda waxa uu gaaray heer aan la qiyaasi karin oo ah qalalaase siyaasadeed oo ay adagtahay in la soxo, waxaan rabnaa in aan banaanka iska dhigno xukunka Brazilia”.

Dad kale ayaa ka cawdey in aysan arkin wax loogu qabto canshuurta ay bixiyaan dadka Koonfurta, iyaga oo sheegay in wax loogu qabto dadka Waqooyiga oo iyagu heysta xuquuq xagga codeynta oo ka badan tan dadka Koonfurta.

Paulo Mauricio oo ka mid ah codbixiyeyaasha ayaa yiri “Haddii aad eegtid canshuurta ay bixiyaan todobada gobol ee kor naga jirta, waxaa ka badan tan ay bixiyaan saddexdan gobol ee koonfurta ah ee kala ah Rio Grande do Sul, Santa Catarina, iyo Parana” , wuxuuna intaas ku daray “Haddii aad maqashid codka siyaasi Brazil ah oo hadlaya, lahjadiisa waa tan Waqooyiga”.

Gobolada Koonfurta waligoodba waxa ay lahaayeen damac in ay gaar isu taagaan xitaa ka hor xiligii uu gumeysigii Talyaaniga siiyay madax banaanida kala bar ah sanadkii 1836.

Dad yar ayaa aaminsan in lagu guuleysan karo gooni isu goosad, sababtuna waxa ay tahay dastuurka dalkaas oo mamnuucaya in Brazil la kala qeybiyo.

Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye:Abdiqadir Habane

SOURCE http://www.bbc.com/somali/war-41554068

COMMENTS
LINKS